Waxa Badhtamaha Magaaladda Hargaysa ee Caasimadda S/land Taallo Looga Dhisay Mid Ka Midda Diyaaradihii Xasuuqa Ba.an Ugaystay Shacabka Reer S/land ee Uu Adeegsanaayay Taliskii Bilaa Naxariista Ahaa Ee Maxamed Siyaad Barre Sanaddii 1988kii Taas oo Ay Soo Rideen Mujaahidiintii Xaqu Dirirka Ahaa ee SNM.
Hadaba Iyaddoo Ay Wacantahay In La Ilaaliyo Qalabkii Dagaal ee Xiligaas Loo Adeegsaday Shacabka Haday Tahay Diyaaraddo Iyo Haday Tahay Gantaalihii Ay Tuuraysay Ammaba Hubkii Maatidda Lala Dhacaayay-ba ee Sidda Arxan Darada Ah Loola Beegsanaayay Caruuta Iyo Maatooyinka Ee Aan Loo Kala Aabo Yeelayn.
Iyadda oo Ay Mihiim Tahay In Taariikh Ahaan Loo Ururiyo Oo Aan La Dayicin Si Indhaha Caalamka Iyo Ku Dadka Reer S/land ee Aan Xiligaas Garaadka Lahayn Amma Aan Jirinba Loo Tuso
Oo Ladhigo Goobaha Lagu Booqddo Waxyaabaha Taariikhiga Ah
Si Aanay Ulumin
Hadanna Waxa Mar Walba Reeban Oo Madnooc-ah In Inta TaaloLoo Dhiso Oo Dhulka Laga Qaaddo
Waayo Waxay Taasi Meesha Ka Saaraysaa Wixii Loo Dagaalamaayay
Tusaale Dalkasta Oo Dunidda Kamidi Marka Uu Dagaal Gobanimo Doonna Waxa Taalooyin Lagu Xasuusto Amma Lagu Maamuuso Loo Dhisaa Geesiyaddii Kaga Naftoodda U Huray Dalkoodda Iyo Dadkoodda Waxaydun Xasuusan Kartaan Taalooyinkii Loo Dhisay Ragii Gobanimo Doonka Ahaa Ee Shiikh Bashiir Faarax Omar Axmed Guray Wakhtigii Somalia
Hadaba Waxaba Yaanan Hadal Idinku Daaline Waxay Taaladda Loo Dhisay Diyaarradda Saaran Khayriyadda Caasimadda Hargaysa ee JSL Gebi Ahaan-ba Meesha Ka Saaraysaa Wixii Loo Dagaalamay oo Maanta Iyadda Ayaa Haysata Taallo Geesidii Loo Dhisi Lahaa Halgamaagii
Naftoodda Huray Caalamkuna Sidda Runtiiyana Indhaha Caalamku Way Qiimaynayaan
Hadaba Marka Goobtii Mujaahiddiinta Taallo Sharafeeda Looga Dhisi Lahaa La Saarro Diyaarradii Iyaga Iyo Maatidoodaba Laysay Hadana Hadana La Yidhaahddo Waanu Soo Halganay Ee Hanna La Aqoonsaddo Macnuhu Waxa uu Noqonayaa In Shacabka La Jaah Wareerinaayo
Waayo Waxa Diyaaraddaas Taalladda Lasaaray Xiligii CIGAAL Xukumaddihii Ka Danbeeyayna Waxay Ku Raaceen Sidii Hore oo Waxaba Kamay Bedelin
Hadaba Hadaanay Arintu Sidaas Aan Kor Kusoo Sheegay Ahayn oo Aanay Siyaasiyiinta Waxa Uqarsoonayan Waa In Imika Laga Rorgaa Taalladda Ay Diyaaradu Saarantahay oo Deg Deg Loo Saaraa Mujaahidiintii Dalkan Usoo Halgantay Waar Maxaa Maanta Libteennii Siiyay Cadawgii Aynu Is Haynay ee Ina Gumaadday
Maye Geesiyaddii Dhiigoodda U Qubay Dalkan Mee LIXLE Mee Aadan Shiin Mee C/qaadir Koosaar Mee Xaamud Mee Aadan Saleebaan Mee Maxamed Cali Mee Axmed Dhagax
Runtii Qalin Kuma Soo Koobi Karaayo Ragaas Dhamaantood Dalkan Iyo Dadkan Usoo Halagamay Taalladoodii Iyo Xuskoodiiba Cadawga Loo Gacan Gelinaayo Iyadda Oo Shacabkoodii Dhaadanayn
Oo Inta Siyaasi Indho Sarcaadda Meel Usaaray Taariikhdoodii Ambiyay
Inagana Waa Inagu Ceeb Hadynu Fahmi Wayno Amma Garan Wayno Qiimaha Geesiyadeenii Ina Xoreeyay Ee Iyaguna Xabaasha Ugalay Darteen
Hadaba Waxan Ugu Dambayn Xukumadda Usoo Jeeddinayaa Amma Kula Talinayaa Inay Sidda Ugu Dhakhsaa Badan Diyaarada Meesha Uga Rogto Oo Ay Usaarto Sawiraddii Mujaahidiintii Xaqa Ulahayd Haddii Kale Waa In Aynu Ka Shacab Ahaan Gacanta Ulla Tagnaa oo Aynu Inagu Inta Aynu Dejino Diyaaradda Aynu Ku Bedelaa Geesiyaddi Sharafta Iyo Karaamadda Inaga Mudnaa AHN
By Sacad Cali Kaahin Raamalay (Sacad plucky)
Qalin Ku Difaac Group