Tuesday, August 12, 2014

Fu’aad Aadan Cadde oo isna la sheegay inuu Puntland u goostay?


[caption id="attachment_92801" align="alignleft" width="300"]siyaasi hadal iyo hawl uga soo dhabar adaygay somaliland siyaasi hadal iyo hawl uga soo dhabar adaygay somaliland[/caption]Laascaanood(GNA)Warar  ayaa sheegaya in Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo jeeda Deegaanka Xudun isla markaana ah La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Goboladda Barri uu ka goostay Somaliland, kuna sii jeedo Puntland.




Waa siyaasigii labaad ee dhabarka u jeediya Siilaanyo muddo todobaad ah, waxaanu marayaa dariiqii xaabsade ku tegay Garoowe maalin ka hor.




Fu’aad iyo Xaabsade ayaa ahaa laba siyaasi oo isku wakhti iyo asxaabba ku ahaa Siyaasadda Somaliland inkasta oo ay sannado kala maqnaayeen.




Warku wuxuu sheegayaa Fu’aad Aadan Cade in uu habeen hore ka guureeyey Hargeysa isla markaana ku sugan yahay magaaladda Xudun, halkaas oo uu ku sugayo Qoyskiisa oo Hargeysa kaga dambaysa, sidaa waxa baahisay Mareegta Farriin.com




Dhawaan ayay ahayd markii Garaadka Deegaanka xudun Garaad Saleban Garaad Maxamed oo Magaalada Garoowe tegay, wax ka yar bil xilli wadahadalo ku dhex mareen Xudun wasiiro ka socda xukuumadda Somaliland.




Fu’aad aadan cadde ayaa ah Nin Miisaan siyaasaddeed ku leh dalka, kana mid ah Odayaasha siyaasadda, iyadoo hadii uu talaabo dhanka Puntland taasi dhabar jab ku noqonayso Xukuumadda Siilanyo oo hore loogu dhaliilay arrinka xaabsade




La soco warkan oo faahfaahsan goor dhow...