Wednesday, August 13, 2014

Dhalinyarada hubaysan ee Soomaaliya iyo balan-qaadka dawladda?warbixin


Xuska Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Soomaaliya lagu lamaaneeyay dib dhiska wasaaradii dhalinyarada iyo Dawladda oo qorshe cusub balanqaaday..




[caption id="attachment_92942" align="alignleft" width="300"]boodhka xuska maalinta dhalinyarada adduunka boodhka xuska maalinta dhalinyarada adduunka[/caption]Muqdisho, August, 12, 2014(GNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, qaar kamid ah xubnaha labada gole ee dowladda, Wakiilo ka socday QM, iyo AMISOM ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta dhalinyarada Adduunka isla markaana xariga looga jarayay dhismaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo dib u habayn iyo qalabayn lagu sameeyay. [caption id="attachment_92943" align="alignleft" width="300"]kooxaha dhalinyarada ee hidaha kooxaha dhalinyarada ee hidaha [/caption]




12 bisha August oo ah maalin caalamka oo dhan uga astaysan xusuusta da’yarta, ayaa micne ahaan waxa looga danleeyahay in farriin ku aadan horumarinta Jiilka soo koraya la gudbiyo .




Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Dr. Khaalid Cumar Cali oo Munaasabadda ka hadlay ayaa yiri. “Maanta sharaf ayay noo tahay in aad xariga ka jarto Mudane Ra’iisul Wasaare dhismaha Wasaaradda tani waa qeyb kamid ah ballanqaadkaagii halku dhiggiisu ahaa Waxqabad, waxaan sii wadi doonaa xoojinta howlaha adag ee horyaala wasaaradda kuwaas oo kamid yihiin in lasoo saaro jiilkii hoggaamin lahaa Mustaqbalka dalka” ayuu yiri wasiir Khalid.




Ra'iisal Wasaare Cabdiwali oo khudbad ka jeedinayay munaasabad ayaa ku ammaanay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dib u habaynta uu ku sameeyay Wasaaradda, waxana uu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay bog dahabi ah kaga jirto taariikhda iyo halganka gobonimadoonka Soomaaliya islamarkaana ay lagama maarnmaan u yihiin horrumarka Soomaaliya ay higsanayso mustaqbalka.




"Maanta waxaan u dabaal dagaynaa labo Munaasabadood oo muhiim ah, mida koowaad waa dib-u-howlgelinta Wasaaraddii dhalinyarada iyo Isboortiga , tan labaadna waa munaasabadda weyn ee 12-ka August oo ku beegan maalinta dhalinyarada Adduunka, maanta isuma sheegayno doorka dhalinta Soomaaliyeed ku lahaayeen qaranimada waad la socotaan Axmed Gurey, Sayid Maxamed iyo SYL doorkeedii halganka, dhammaantood dhalinyaro ayay ahaayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.




Ra'iisal Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale ku bogaadiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay si firfircoon uga qaybgalaan dadaalada lagu sugayo amaanka dalka. "Waxaan doonayaaa in aan hortiinna ka ballanqaado in Xukuumaddaydu ay samaynayso qorshe ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku helayaan, Iskuullo, waxbarasho tayo leh, xarumo Isboorti iyo mustaqbal ifaya. Waxaynu dhisaynaa asaaskii dalkeenna, waana in dhalinyaradeena ay ku noolaadaan farxad iyo wanaag, lagana ilaaliayaa faqriga iyo rabshadaha" ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdiwali.




Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Soomaaliya in ay dib ugu soo laabato doorkeedii hoggaamineed ee dhalinta Africa, waxana uu tilmaamay qorshaha Xukuumaddda ee Hiigsiga 2016 in ay ku jirto Soomaaliyaa in lagu qabto Ciyaaro Caalami ah oo hoggaamin doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed.




Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wadda qorshe qaran oo ku aaddan dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana garwadeen ka ah wasaaradda Isboortiga iyo Dhalinyarada, iyadoo ujeedadu tahay in la horumariyo dhalinyarada si wax looga qabto caqabadaha ka jira Soomaaliya ee ay dhalinyaraduna qaybta ka yihiin.




Duruufo




Inkasta oo xuska sanadkan ee maalinta Dhalinyaradu ku soo beegmay xilli rejo ay muujinayaan madaxda dawladdu, hadana waxa indhaha lagu hayaa in waayo nololeed oo adagi ku gadaamantahay dhalinyarada soomaaliyeed, wakhtigan.




“Tiro aan la soo koobi Karin oo dhalinyaro ah ayaa ka soo muuqda bii’o aan degenaanshiyo ka jirir”,waxaanay qaarkood safka hore kaga jiraan Kooxaha Dagaalka ee magacyada badan leh, Askarta Maamullada dalka ka jira iyo Budhcadbadeeda, halka tiro kuwaasi ka badani shaqo la’aan ku jiraan.[caption id="attachment_92944" align="alignleft" width="289"]nolosha kumanaan dhalinyaro ah ay dugsadaan ee adag nolosha kumanaan dhalinyaro ah ay dugsadaan ee adag[/caption]




Tani waa xaqiiqda dhabta ah ee hortaala dhawaaqyada dhalanteed ah oo ka soo baxa munaasibadaha masuuliyiinta qaranku ka qayb-gelayaan, waxaana muuqata inaan wali jawaab ficil ah lagu xalin Karin xaladahaasi.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com