Sunday, August 10, 2014

Dhakhaatiir Mutadawiciin ah oo adeegyo caafimaad ka fuliyay Sabowanaag


mud2




Hargeysa(GNA)Ururka Sama-falka ee Tabantaabo ayaa maalintii shalay jimcihii geeyey Tuulada Bali-Axmed oo ka mid ah Degmada Sabowanaag 8 Dhakhtar oo mutadiciin ah, oo isugu jira dakhaatiirta: cudurada Guud, Carruurta, Dumarka, Indhaha (ENT) iyo xanuunada faafa,




kuwaas oo dhamaan aqoon heersare ah u leh shaqadoodan waxayna si qiimo leh u daweeyeen una eegeen dadweynihii meeshaa ku soo booqday oo horena u sii wacyigaliyeen Odayaasha Tuuladu, una sheegeen in dhakhaatiir u imanayso maalinta Jimcaha ee ku began 8/8/2014, dadka bukaan socodka ahaa ee Goobtaa lagu eegay caafimaadkooda ayaa ahaa kuwo aad u badan dhamaantoodna aad u soo dhaweeyey mashruucan una mahadceliyey ururka iyo dhakhaatiirta ay wadaanba, iyadoo xaaladooda caafimaad aad u kala duwanayd ayey dhakhaatiirku mid kasta siinayeen dawo/talo –da ku haboon ee ku haboon caafimaadkiisa waxna ka tari karta kolba waxa uu ka cabanayo.mud1  mud3




Mahadnaq:




Ururka Tabantaabo wuxuu u mahadcelinayaa dadweynaha ku dhaqan tuuladan Bali-Axmed oo si qiimo leh u soo dhaweeyey iyaga iyo dhakhaatiirtiiba waxaana odayaasha sida fiican u soo dhaweeyey ka mid ahaa Mataan Aw Nuur oo mid ah odayaasha magaalada ee u dhashay Tuuladan, aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay.