(GNA) Maalinta arbaca ah ee soo socota ayaa dayax gacmeed ganacsi oo aad u hormarsan markii ugu horaysay nooceediisa oo kale la daahfuri doonaa saldhigga Vandenberg Air Force e dalka Maraykana.
Daahfurka dayax gacmeedkaan cusub ayaa shan iyo toban daqiiqo tijaabo ah lagu soo bandhigi doonaa, si kasoo qaybgalayaasha xafladdu ugu riyaaqaan guusha lagaaray. Dayax gacmeedkaan cusub oo ay dhistay shirkadda loo yaqaano DigitalGloble, waxaa uu noqon doonaa midkii ugu horeeyay ee howlo badan isku mar qaban kara, waxayna shirkadda DigitalGloble u adeegsan doontaa howlaheeda ganacsi ee ay ku leeyihiin hareeraha dunida oo ayna kamid yihiin Beero, Macdan, Batrool iyo washado kale oo badan, waxaana sidoo kale dayax gacmeedkaan cusub uu gacan ka gaysan doonaa inuu ka qay qaato qancinta macaamiisha shirkadaasi
Dayax gacmeedkaan cusub ayaa sidoo kale la rajaynayaa inuu gun-dhig u noqdo ganacsiga casrigaan
Dayax gacmeedkaan ayaa la sheegay in leeyahay muuqaalo iyo walxo iska cabin kara daruuraha iyo qaaca warshadaha, wuxuuna muhiim u ahaan doonaa barnaamijyi kale oo ay kamid yihiin in loo sii heelanaado musiibooyinka iyo ka jawaabistooda, in la falanqeeyo arimaha dhulka iyo ciida, iyo ilaalinta deegaanka
Xigasho: DailyTech
Askar Ismaaciil
Gobanimonews.com