Monday, August 11, 2014

Daawo: Ciraaq oo dadka Waayeelka ahi isu diyaarinaya Dagaal dhan ah ISIS


Baqdaad{GNA}:Dalka Ciraaq ayaa mar kale galay xaalad Dagaal iyo is abaabul kadib markii xoogag Islaamiyiin Sunni ah oo aad u hubeesan ay qabsadeen Magaalooyin iyo deegaano badan oo gacanta ugu jiray Dowlada Ciraaq.




Xoogaga Islaamiyiinta ah ayaa mudooyinkii dambe waday dhul balaarsi iyo in ay dagaal ku qaadaan Magaalooyin hor leh ay dagan yihiin dadka Shiicada Ciraaq iyo sidoo kale dadka Kurdiyiinta ah ee kunool Dalkaasi.




Dad u badan dhalinyaro iyo waayeelo ayaa ku qasbanaaday in ay hubka qaataan si ay isaga difaacaan Kooxda Daacish oo weerar ku ah deegaanadooda , waxaana Warbaahinta caalamka soo bandhigeen Odayaal Kurdish ah oo hubka qaatay si ay ula dagaalamaan kooxda Daacish.




Xoogaga is maamulka Kurdiyiinta ah ayaa la sheegay in ay dib u qabsadeen Magaalooyin horey gacantooda uga baxay kadib markii Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn la beegsadeen goobo ay dhawaan la wareegeen Kooxda Daacish




Gobanimo news.com




Baqdaad Office