Wednesday, August 13, 2014

Cudurka Ebola oo Dawo cusub lagu tijaabinayo


[caption id="attachment_92897" align="alignleft" width="300"]Kooxaha Gurmadka caafimaadka Kooxaha Gurmadka caafimaadka[/caption]




Guddi ka kooban khubaro ka socoto hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa go'aan ku gaaray in dawooyinka aan horey bani'aadamka loogu tijaabinin loo adeegsan karo in lagu daweeyo dadka qaba caabuqa dhaliya cudurka Ebola ee galbeedka Afrika.




In kabadan kun qof ayaa ilaa haatan u dhimatay cudurkaasi Ebola.




Guddigani ayaa sheegay in marka loo eego marxaladda lagu jiro ay habboontahay in dawooyinka noocaasi ah ama tallaalkuba la siiyo dadka inkastoo aan la ogeyn siday wax tar u leeyihiin iyo waliba dhibaatada kale ee ka dhalan karto.




Dawadani aan horey loo tijaabinin ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa laba qof oo ameerikaan ah oo ka shaqeeya arrimaha samafalka