Xildhibaanada Beelaha Reer Baalle iyo Cali Maxamed ugu jira Golaha Deegaanka Caynabo oo qurba-joogta deegaamadaas ka soo jeeda baaq u diray...
Caynabo(GNA)-Afar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caynabo ayaa ku dhawaaqay inay Shir isugu yeedhayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ka soo jeedda deegaamadii laga soo doortay, ee gudaha dalka iyo qurbaha kala jooga, si ay Masiirkooda siyaasaddeed ee Mustaqbalka uga tashadaan.
Xildhibaanada ayaa sheegay inay Shirkooda maanta ku yeesheen Magaalada Caynabo ee xarunta Gobolka Saraar, kaasoo ay isku af-garteen inay qaban qaabiyaan shirweyne loo dhanyahay oo ay Bulshadii soo dooratay kaga tashadaan Masiirkooda dhanka siyaasadda , kuna kala doortaan asxaabta siyaasadda kay taageeri doonaan.
Maxamed Xaaji Abyan oo ka mid ahaa afarta Xildhibaan ayaa Gobanimonews, u sheegay "beeshu markii hore waxay ahayd xisbiga Kulmiye, laakiinse in muddo ah waxaad moodaa in xidhiidhkii xisbigu xumaaday, kaddib markuu geeriyooday Siyaasigii isku xidhi jiray Beesha iyo Xisbiga Aadan Tarabi Oogle."ayuu yidhi xildhiban Abyan oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wariyeyaasha Gobanimo.
"markaa waxaan go'aansanay inaan shir isugu yeedhno aqoonyahanka, waxgaradka, hogaan dhaqameedka iyo Ganacsatada beelaha ka soo jeedda deegaamadii nalaga soo doortay, haday tahay qurbo-joog iyo haday kuwa gudaha joogaba tahay, shirkaasoo ka dhici doona Magaalada Caynabo"ayuu ku dhawaaqay Abyan.
Maxamed Xaaji Abyan sheegay "Beeshu waa beel balaadhan shan Gobol ayay degtaa, Saraar, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag. waana beesha Maxamed Cismaan ( ama reer Baalle iyo Cali Maxamed), markaa qurbo-joogta iyo dadka gudaha degenba baaqaas waanu u diraynaa, si masiirkooda aanu u lumin doorashooyinka soo socda"ayuu yidhi.
"kala baahsanaan jirtay beesha beryahaa iyo inaanu ka diyaar-garowno doorashooyinka 2015-ka, ayaa kalifay shirka, waayo beeshu berigii hore meelbay wada mari jirtay waanay isku xidhnayd"
Magacyada saddexda xildhibaan ee Shirkaasi ku wehelinayay ayuu ku sheegay Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan, Xildh. Muuse Caarshe Dakhare, Xildh. Xasan Yuusuf Aadan iyo Xildh. Xasan Caseyr Yuusuf, kuwaasoo oo isku deegaamo laga soo doortay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com