Sunday, August 3, 2014

Biilkii Reerka Jiir-baa cunnay!qiso dhab ah oo Hargeysa ka dhacday


Qoys Maxkamad la raadinaya Xabad jiir ah oo ka cuntay Lacagtii Biilka!!!qiso xiiso badan




[caption id="attachment_92299" align="alignleft" width="400"]Muuqaalka Lacagtii uu Jiirku kitfay oo Guriga dhex daadsan Muuqaalka Lacagtii uu Jiirku kitfay oo Guriga dhex daadsan[/caption]Hargeysa(GNA)-wuxuu u cadhaysnaa sidii qof Tuug xaday oo kale.Dagaal-na kuma yarayn, laakiinse waa cadho aan garowshiyo lahayn oo ka dhalatay dhaawac aan magdhow lahayn oo ka soo gaadhay ma yeedhaan.
Caydaruus, waa Nin Dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Hargeysa, waana Wiil xoogsade ah, sida uu sheegay.
Waa Nin Xaasley ah oo xoogiisa ka masruufa Qoyskiisa. Caydaruus ayaa sheegay inuu khasaare dhaqaale u geystay Xawayaanka Jiirka loo yaqaano ee ka midka ah Xawayaanada Guryaha ku dhasha.
2-dii Bishan August ayuu sheegay in Jiir ka cunay Lacagtii Biilka ee uu Bishan ugu talo galay Qoyskiisa, si ay u masaariifsadaan, taasoo fajac iyo amakaag ku beertay, isla markaana solansiisay inuu si adag uga cadhoodo.
Caydaruus ayaa intaas ku daray in cadhada uu ka qaaday Khasaaraha uu Jiirku u geystay ay ugu wacnayd, dhacdadan oo ku beegantay xilli culays dhaqaale ka soo fuulay kharashaadkii Ciida iyo Bishii Ramadaan ka baxay. "waa ciid, waxa laga soo baxay ramadaan, wax allaale wax uu garanayaa ma jiro, wuu iska cunay uun lacagtii oo Kabadhka ku jirta"ayuu  u sheegay Gobanimonews.
waxaanu intaas raaciyay  "Saddex Boqol oo Dollar ayay ahayd, konton ayay xaafadu soo sarifatay, intii kale siday Kabadhka ugu jirtay  ayuunbaan aragnay iyadoo jiir cunay oo googo'aayari ka soo hadhay, intii kalena wuu cunay"
" iminka jiirkaa waan hayaa wax allaale waxaan ka yeello garan maayo. Maxkamad ayaan la tiigsan lahaa hadaan helayo meel looga dacwoodo"ayuu yidhi sii yidhi Caydaruus oo sheegay inay ahayd markii ugu horaysay ee arrintan oo kale ku dhacdo.
"qaramada Midoobay qaybta Xawayaanka qaabilsan waxaan u sheegayaa in bahalkaa nala soo kala gaadho"ayuu mar kale ku tiraabay, xilli uu aad u cadhaysnaa.
hase ahaatee wiilkan ayaa gadaal ka sheegay in waxan dhacay qadar Alle ku yimi oo ay tahay inuu ka samro laakiinse waxa uu ka digay waxyeellada uu qoysaska u geysan karo Xawayaankan Guryaha inta badan kula nool dadka, kaasoo gabbood ka dhigta meelaha ili ma qabatinka ah ee Guryaha, isla markaana jikada iyo goobaha weelka la dhigo habeenkii baadha.
Jiirka ayaa dadka qaar u yaqaanaan Tuug Guriga kula nool dadka, waxaanu allaabooyinka yar-yar, sida dahabka, lacagta iyo qalabka kale ee aadka loo xafiddo, kuwaasoo uu cadow u yahay, aadna looga ilaaliyo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com