“Anigu Casuumad Ayaan Ka Haysta Somaliland, Waxaana Aan Aad U Quud Dareynayaa In Aan Halkaas Tago Si Aanu Halkii Uga Sii An Ba Qaadno Wada Hada Ladii Aanu Bilawnay Sanad Ka Hor”Mr Nicholas Kay
Ergeyga (Gobanimonews)-17-8-2014-Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia,ayaa si weyn u soo dhaweeyey marti qaad Xukuumadda Somaliland u fidisay oo uu todobaadkan in uu dalka soo gaadho la filaayo, waxaana uu sheegay in uu aad u quud dareynaayo in halkii laga sii wadi doono wada hadalkii sannad ka hor Somaliland iyo Xafiiskiisa Qaramadda Midoobay ee UNSOM u dhexeeyey.
Mr Nichlos Kay waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu Idaacada VOA-da qeybta qeybteeda Ingiriisiga siiyey Khamiistii uu ku tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay Casuumadda Somaliland u fidisay waxana uu u mahad celiyey Xukuumadda iyo Wasiirk arimaha dibadda oo amaan u soo jeediyey isaga oo hoosta ka xariiqay in uu todobaadkan aynu ku jirno uu Somaliland soo gaadhi doono.
Uqaabilsana Qaramadda Midoobay ee Somaliland iyo Somalia Mr Nichlos Kay oo arimahaasi ka hadlaayey wax uu yidhi “Safar ayaan ku tegi doona Somaliland oo anigu Casuumad ayaan ka haysta Somaliland waxana aan aad u quud dareynayaa in aan halkaas tago si aanu halkii uga sii an ba qaadno wada hada la dii aanu bilawnay Sanad ka hor”
Waxa ay sido kale Idaacadda VOA way diisay Mr Key nooca khilaafkii isaga iyo Somaliland u dhexeeyey ee sannad ka hor looga soo caydhiyey in uu Xafiis ka furto Hargeysa waxana uu yidhi “Waxa aad ii dhiiri gelinaaya marti qaadka diiran ee saaxiibtinimo ee aan ka helay wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland md Maxamed Biixi Yoonis waxana aan rajeynayaa in waxyaabaha aanu ka wada hadalo todobaadka soo socda (Todobaadkan)
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil
Gobanimonews/Hargeysa /Somaliland
