
Hargeysa(GNA)-Wakiilkii Xafiiska Telefishanka Somaliland laga xayiray ee UNIVERSAL Maxamed Caabi, ayaa Maanta dib xabsiga laga sii daayay, kaddib markii todobaadkii hore xabsiga loogu taxaabay barmaamuj Telefishanka uu madaxda ka ahaa si qarsoodi ah kaga duubay Magaalada Hargeysa, xilli ay wali xayiraadi saarantahay.
Mid ka mid ah hawl-wadeenada TV-gaasi xafiiskiisa Hargeysa ka hawl-geli jiray ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Maxamed Caabi ayaa damaanad lagu sii daayay maanta oo sabti ah, isla markaana isagoo xor ah uu maxkamad iska difaaci doono.
Caabi ayaa wali waxa ku soconaysa dacwada kiiska loo haysto oo ah xad gudub sida ay dawladdu ku dacwisayso uu ka galay go’aankii telefishanka lagu xayiray, kaddib markii ay barmaamuj fanneed habeennimadii ciida ka baxay TV-ga xaruntiisu tahay London ay Magaalada Hargeysa ka duubeen.
Barmaamujka UNIVERSAL ka duubtay kooxda Fanka ee Xiddigaha geeska ayaa dood badan ka abuuray Somaliland todobaadkan.
Dhinaca kale, Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa xoriyadiisa u soo celisay tifaftiraha Shabakada Balli-gubadle Media, oo isna mudo dhawr habeen ah ku xidhnaa xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.
Tifaftiraha shabakada Balli-gubadle Media ayaa lagu xidhay warar ay shabakadiisu ka qortay madaxweynaha Somaliland, oo xaasaasiyad badan abuuray, waxaana xadhigiisa la sheegay inuu ka dambeeyay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.
Soo deyntiisa ayaa ka dambeysay Raalin-gelin shabada uu ka hawl-galayay ka bixiyay warbixin ay ka qortay Caafimaadka Madaxweyne Siilaanyo.
Xadhiga labadan Nin ayaa qayb ka noqonaya tiro wariyeyaal iyo mihnadleyaal kale isugu jira oo ay xukuumadda Siilaanyo xabsi ku xidhay sanadkan gudihiisa.
Xadhiga sii socda ee Suxufiyiinta ayaa ku soo beegmaya xilli ay saddex Wargeys oo dalka ka soo bixi jiray albaabada loo laabay todobaadii bilood ee la soo dhaafay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com