Hargeysa(GNA)-Laba ka mid ah afar qof oo saaka aroornimadii lagu qabtay hawl-galo ka dhacay Suuqa dhexdiisa iyo agagaarka Dugsiga Axmed Guray ee Degmada Axmed Dhagax, ayaa la sii daayay gelinkii dambe ee maanta.
Hawl-galka ayaa dhacay Subaxnimadii hore ee saaka, waxaana lagu beegsaday guryo shicib leeyihiin iyo Masaajid ku yaalla Suuqa dhexdiisa , waxaana fuliyay ciidanka ka hortaga Xaaladaha deg dega ah ee RRU-da iyo SPU-da kuwa loo yaqaan.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay inay ciidanku kala xidheen waddooyinka xilligii hawl-galku dhacay, iyadoo dadka ka qabtay midkood Hudheel laga cunteeyo ay kala baxeen, midna masaajid, kuwa kale guryo ka baxsan suuqa.
Dadka la qabtay ayaa isugu jira Mawaadiniin u dhashay Somaliland iyo kuwa dhalasho ahaan ka soo jeeda Koonfurta Soomaliya, sida ay gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha laamaha ammaanku.
Mid ka mid ah dadkaasi ayaa warar aan wali xaqiiqadooddu cadeyni sheegayaan inay Ruux dumar ah tahay.
Dhamaan dadkaasi waxa looga shakisanyahay Argagixiso, laakiinse labada la sii daayay ma cadda sababta lagu sii daayay “afarbaa la qabtay, laba waa la sii daayay”sidaas waxa yidhi Sarkaal ka cudur daartay inaan magaciisa xigano.
Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ciidanka Bilayska Somaliland ku qabteen Nin laga shakiyay oo ku labisnaa Dharka Dumarka, kaasoo lagu qabtay meel suuq ah.
Saraakiisha ammaanka Somaliland ayaa laga soo xigtay inay jiraan hawl-galo ka dhan dad la tuhunsanyahay oo bartilaameed u ah hawl-galo bilow ah.
Hawl-galo noocan ah oo dad lagu qabqabtay ayaa bishii June lagu qabtay tiro dad ah oo ay qaarkood loo xidhay Qarax bishii May ka dhacay dalka Djibouti.
Dadkaasi waxa laga qabqabtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.
Badankooda waxa loo gacan geliyay dawladda Djibouti, waxaana todobaadkii hore la sheegay in qaarkood la keenay Xadka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com