Wednesday, August 6, 2014

Abwaan Laab-saalax oo Cambaareeyay Universaltv?Warbixin


Cadaadiska Xukuumaddu ku hayso Kooxda Xiddigaha Geesku saameyn ma ku yeelan doontaa Xoriyada Fanka?hoos ka akhri Warbixin




[caption id="attachment_92441" align="alignleft" width="300"]Abwaanka Xiddigaha Geeska Abwaanka Xiddigaha Geeska [/caption]Hogaamiyaha Koox-fanneedka sanadahan dambe aadka u soo baxay ee Xiddigaha Geeska Xasan Dhuxul Laab-saalax, ayaa cambaareeyay qaabkii Telefishanka Caalamiga ah ee UNIVERSAL u baahiyay Barmaamuj uu ka diyaariyay Maalmihii ciidal-fidriga ka horeeyay.




Hawl-waddeeno ka tirsan Telefishanka Somaliland ka xayiran ee UNIVERSALTV ayaa ciiddii, iyagoo aan wax ogolaanshiyo ah waydiisan dawladda Xayirtay Barmaamuj dhanka fanka ah kaga diyaariyay Xiddigaha Geeska, taasoo muran iyo isqabqabsi ka dhex abuurtay Kooxdaas iyo Wasaaradda Warfaafinta oo ay Maamul ahaan hoos yimaadaan, qaarkoodna ay Mushaharba ka qaataan.




Hadaba, Abwaan Xasan Laab-saalax oo isagu samaynta Barmaamujkaasi qayb weyn ka qaatay, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in Universal qaab aan wanaagsanayn u baahiyeen Barmaamujka.




Abwaanka ayaa sheegay inay Barmaamujyo Heeso ah sanadkan u qabteen ugu yaraan shan Telefishan oo uu ka mid yahay Telefishanka Qaranka Soomaaliya.




Halkan ka Daawo Waraysigaasi oo dhamaystiran:




Cadaadis la saaray Xiddigaha Geeska




Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo ay hoos ka tuur weyni ka dhaxayso Universal, ayaa la sheegay inuu cadaadis badan saaray Kooxda, kuna dhaleeceeyay waraysiga ay siiyeen Universal.




Cadaadiska Cukuse ayaan ahayn mid sharciyad ku dhisan, balse dadku u arkaan diidmo aan qiil lahayn.




Daneeyayaasha Suugaanta oo walaacsan




Qorraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe, oo ka hadlay khilaafka ka dhashay Barmaamujyada laga duubay Xiddigaha Geeska ayaa ku tilmaamay buuqa la geliyay Fanka Kooxda mid ujeedo laga leeyahay "Kooxda Xiddigaha Geeska Fankoodu soomaali oo dhan ayuu u dhexeeyaa, TV-ga Nigeria haday waraystaan iyo haday kuwa Soomaaliya waraystaan waa isku mid, wax u diidayaana ma jiro"ayuu yidhi.




Cukuse oo Tacsi u diray Xiddigaha




Laakiinse Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse ayaa isagu sheegay "Waxaan umadda Reer Somaliland oo dhan ka tacsiyadaynayaa falkaa foosha xun ee ay Fannaaniinta Xiddigaha Geesku ka galeen dalkooda, arrintaa waxaan u arkaa mid nasiib daro ah oo ay qaranka u geysteen Fanaaniintaasi, waanan ka tacsiyadaynayaa, anigoo ugu baaqaya inaanay iyaga iyo kuwa kale ee sida xun u fikiraa dib ugu kicin"ayuu yidhi Cukuse.




Doodda Xukuumadda ayaa la dareemayaa in cabudhin iyo cago juglayn badani ka muuqato, waxaanay Xiddigaha Geesku maalmo ka hor fuliyeen rabitaankii xukuumadda ee ahaa inay Raali gelin bixiyaan.




dadka la socday Muranka Xukuumadda iyo Fannaaniinta ayaa qaarkood aaminsanyihiin in talaabada lagu cabudhinayo Fanleydu saameyn ku yeelan karto Xoriyada Fanka oo ka mid ah waxyaabaha ay wadaagaan, una kala xaddeysnayn Dadka Soomaalida oo dhan guddo iyo dibad-ba.




laakiinse xaddidaada Xukuumadda Somaliland saartay Fanka Kooxdan oo aan hal mar ahayn, balse mar horena xadhig loogu geystay xubno ka mid ah kooxda Socdaal ay ku tageen Magaalada Muqdisho ee soomaaliya, laguna khasbay raalin gelin noocan ah,ayaa ah arrin ugub ku ah nidaamka dawliga ah.




Akhristeyaal sidaad u aragtaan hadalkan? fadlan ka dhiibo aragtidaada..




Email: editor@gobanimonews.com




Ama https://www.facebook.com/GobanimoNewsAgency?ref_type=bookmark