“Mareykan iyo Faransiis midna eedeyn meyno ee sababtu waa adiga Ingiriisoow ee Lugaha ….Xaaji Cabdi Waraabe
Xildhibaan (Gobanimonews)31-8-2014- Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ), oo ah mudnaha ugu da’da weyn golaha guurtidda Somaliland, ayaa Dawladda Ingiriiska ah ku weeraray Weedho kulul oo aanay hore uga maqal dawladdahii kala dambeeyey ee Somaliland Soo maray,waxana uu ku tilmaamay Ingiriiska mid ku taagan Aqoonsiga Somaliland.
Xaaji Cabdiwaabe, oo shalay ka hadlaayey dood ay ka yeesheen mudanayaasha golaha guurtiddu Siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland, ayaa hadal dheer uu halkaasi ka jeediyey waxa uu ku tilmaamay inay dawlada Ingiriisku tahay Cadawga ugu weyn ee ku taagan aqoonsiga Ictiraafka Somaliland waxana uu Madaxda iyo Shicibka Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan oo ogaadaan dawlad kalena aanay ku eedeynin ee uu Ingiriisku doonaayo in uu dawlado kale ka dhex sameeyo guddaha Somaliland taasina ay si weyn u la socdaan shacabka iyo dawladda Somaliland kana waantooba arintaasi.
Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ) oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi “Maanta waxa inoo cadow ah dawladdii Ingiriis oo damacday inay Somaliland iyo Somalia isku xukunto, dawlad gob ah ayey aheyd mar qudha ayey dhirbaaxo inagu dhufatay markiina way ina baabi’isay waa markii ay Xayla salaasa dalkeena siisay , waa markii ay Xadka Jabuuti dusheeda ka soo qaaday ee beerta ayaan daran la yidhaahdo ee ay Ina-guuxa marisay markaas ayey ina baabi isay inaguna mar ayeynu baabi’ inay oo markii aynu dawladnimada qaadanay ayuu yidhi dawladnimada aan idin baro ee waxa aad yeeshaan wadamada Barwaaqa sooranka gala ragii yidhi geli meyno ayaan ka mid ahaa ee israaca Somalida dooneyey, waxaanan ku nidhi adigu haddii aad gobanimadii na siisay naga tag cirkana mari meysid dhulkana mari meysid ayaanu nidhi labadaasi ayeynu kala ridanay,maantana Inagii ayuu ina qawaday oo Somalia ayuu u booday Ingiriis”
Xaajiga oo eedeymo kulul u jeediyey dawladda Ingiriiska waxa uu yidhi “Ninka ina horjooga waa Ingiriisa,waxana aanu leenahay Ingiriis maanta na kari meysid oo dabeecadayada waad taqaan oo dabeecada Somaliland waad taqaan ninkii maalintii dhaweyd Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka socday ayaanu is aragnay oo waanu wada hadlay oo xaqiiqada waan u sheegay waxa aan ku idhi idinka ayaa cagta nagu haya ee yeynaan kala dhimanin ee dawladdo kale ayaa jira oo Ilaahay ayaa jira ee inaga ayaa is aheyn oo is afnaqaane naga deg oo khadkii aad adigu dhigtay ee waliba nagu soo cidhiidhiday ayaad waliba daba socotaa oo Cali Khaliif Galeydh aad adigu wadaa oo dawladdaha kale adiga ayaa soo hogaaminaaya oo Mareykan iyo Faransiis midna eedeyn meyno ee sababtu waa adiga ee wax aanad helaynin ha ku haraadin ee ka daa oo labada dhirbaaxo ayeynu kala ridanay ka soo noqo waxana aan kugu dhaafayaa cagta ka qaad oo Ictiraafkayaga adiga ayaa ku taagan ee sii daa oo Caalamka wax ayaanu ku tari anagu wax ayaanu taransan reer nabi aadana wax ayaanu u tari dadkuna waa mid qudha ee cagta naga qaada aanu ka qeybgalo caalamka oo Ictiraafkayaga Ingiriisoow ku dhawaaq oo ku horee”
Md Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Sidaas ayey dantayada iyo taaduba ku jirtaaye oo dagaalkii ayaanu kula galay oo dhalinyartayadu ku dhinteen oo af iyo adinba waanu kugu raacnay oo waanu kuu hiilinay in badan ee xaq kuugumaanaan yeelan Ingiriisoow maanta dawlad ayaan ka dhex sameynayaa xuduuddii yareyd ee aad na siisay na ma qabato oo Itoobiya walaalo ayaanu nahay oo afrika ayaanu wada nahay Jaarna waanu nahay oo waanu heshiin Itoobiya ee adigu Ingiriisoow (Britain) ha moodin in aanu ku moog nahay ee cagaha iyo lugaha naga la bax waanu dhisanahay oo xoriyadayadii waanu la soo noqonay ee dhibaatadda naga daa waanu garaneynaa oo Jamhuuriyadda aniga ayaa u da’ weyn oo 120 jirkii hal gu ayaa iiga dhiman oo waxa aan ahay 119 jir intaana Ingiir ayaan la soo shaqeeyey dhawr iyo labaatan sanno ayaan caaqil ahaan oo Ingiriisoow waan ku la shaqeeyey aniga, aabahay iyo walaalkeyba way kula shaqeeyeen oo adeerkeyna waa uu idin la shaqeeyey oo daabeecadiina aad ayaan u aqaanaa ee wax aanad heleynin ha ku daalin ingiriisoow“
Sidoo kale mar uu ka hadlaayey Xaajigu inay Somaliland Mucaarid iyo Mucaafid meel uga soo wada jeedo qadiyadeeda waxa uu yidhi “Xalay (Habeen hore ) sidii uu u hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Xuseen sidaas ayey xaqiiqadu naga tahay, waana nin Xisbi Mucaarid ah hogaamiya oo wax aanu ka mideysanahay ayuu ku yidhi gooni isku taaga kaayagii mucaaridka ahaa waa kaas oo waanu ka mideysanaaya oo ninka hadlaya iyo ninka aamusan labaduba waa ay ka mideysan yihiin Somaliland,waxana aan kaga baxayaa Ingiriisoow ha moodin ninkaaga Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ku jira iyo kaaga kale intiinuba idinka ayaa Somaliland cagta ku haya ee dhibaato yeynaan kala korodhsan oo aynaan kala dhiman oo xaafad Ingiriis ah ayaan isku wadnay balse idinka ayaa Mareykanka nagu dirayaa iyo inta kaleba oo dawlad waliba dalkii ay gumeysan jirtay iyada ayaa xanaanisa ee hadii aanad na xanaanineynin naga daa cagta aad Ictiraafkayga ku hayso iyo dawlada aad gudahayaga ka dhex dhisayso oo isku dirka naga daa xaqiiqadii ku ogaanaaye”
Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen ( Xaaji Cabdi waraabe ) ugu dambeyntii waxa uu intaas raaciyey “Somaliland-na waxa aan ku leeyahay Somaliland eey yaan lagu furfurin oo gobanimadaada Sheeko sheeko ha kaga tegin oo Ilaahay mooyaane cid ina bedeli karta ma jirto oo mid aynu ahaano culimo iyo caamo rag iyo dumar xukuumad iyo shicib golayaasha iyo mucaaridba ninka beydhaana isaga ayuubma baydhay oo isaga ayuumba ceeb qaadaya xukuumaduna qumaati haw dhawaaqdo oo hadal cad hawdhiibto Ingiriiska oo waxba dawladdaha kale u sheegan meyno ii isaga ayaa fidnada hogaaminaaya,umaddana waxa aan leeyahay walaalayaal aad ula hadla hadii ay xukuumadda tahay iyo hadii ay wasiiradda tahay oo halka xaajo inaga joogto dee cadaan u sheega oo si cad u hadla”
Sources by Wargeyska SAXANSAXO
Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil (Mr Hudle)
Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland

bomb expolation[/caption]Muqdisho(GNA)-august 31, 2014....ugu yaraan laba iyo toban qof ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday Xabsiga Jilicow ee xarunta Nabad-sugida ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Break Militants’ blockade of Northern Town hav been leave [/caption]BAGHDAD — A coalition of Shiite militias, regular Iraqi Army units and Kurdish forces, backed by American air power, on Sunday broke a long siege of Amerli, a town in northern Iraq that for weeks had been surrounded by Sunni extremists who threatened to slaughter thousands of Shiite residents.
SLMF AND IRS[/caption]
Hargeysa(GNA):-Xaaji Cabdikariim Xusseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ahna ruug cadaa nabadeed, ayaa si adag uga hadlay baaqyada ka soo yeedhay qaybo kamid ah wadamada Yurubta iyo Maraykanka kuwaasi oo ku aadanaa in ay xukuumada Somaliland dib uga soo noqoto qabsashada ay ciidamada Somaliland la wareegeen deegaanka Saax-dheer,waxaana uu sheegay in dawlada Ingiriiska iyo Somaliland ay yihiin laba dawladood oo is dhaqan iyo dabeecad yaqaana,isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in dawlada Somaliland aanay Ingiriiska marnaba ka aqbalayn in ay gudaha Somaliland ka dhex abuurto dawlada kale iyada oo markii horebaa uu yidhi ay ahayd dawladii dhigtay Xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo dalalka la dariska ah.


Laakiinse Afhayeenka Alshabaab ee howl-galada Abu muscab, ayaa warbaahinta Xarakada Alshabaab u sheegay inay AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya ku go’doonsanyihiin Buulo mareer, dibna ugala wareegeen Magaalada Gool-weyn oo ay AMISOM sheegteen.
Dhul ku yaalla goob muhiim ah[/caption]Dhamaan waxa la ogaysiinayaa Dadweynaha Reer Somaliland in loo hayo Dhul deyr leh oo iib ah kaasoo ku yaala Xaafada Bada Cas gaar ahaan agagaarka Dhamka Jigjiga-yar





Muqdisho, 30, August, 2014.(GNA)-Xubno ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudne Cabdullahi Godax Bare, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane iyo Korneyl Barre Aaden Shire Hiiraale ayaa galabta Muqdisho soo gaaray kaddib markii xal laga gaaray khilaafaadkii ka taagnaa Jubbooyinka, lana xareeyay ciidamaddii banaanka magaalada Kismaayo ku sugnaa ee uu hogaaminayay Col. Barre Hiraale.

Hargeysa(GNA)-Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Markii ugu horaysay caddeeyay inay ciidamada Qaranku iyagoo amarkiisa ku socda fuliyeen ka hawl-galkii ay khamiistii ku furteen Deegaanka Saax-dheer oo saldhig u ahayd dhaqdhaqaaqa siyaasaddeed Cali Khaliif ee Khaatumo.
Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay[/caption] Hargeysa(GNA)-Golaha Baarlamanka la soo doorto ee Wakiillada, Somaliland ayaa kalsoonida ansixinta u diiday Wasiirka Xidhiidhka oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.
Wasiir ku-xigeenkii hore ee waxbarashada oo kalsooni kale waayay[/caption]
(GNA) Waxaa markii u horeysey Wadamada Reer Galbeedka si wayn ugu fidaya isticmaalka Sanjibiisha, inkasta oo mudo boqolaal Sano ah ay si joogto ah looga isticmaali jiray Wadamada Asia islamarkaana ay ahayd shay si weyn loo tixgeliyo.
Kooxaha Gurmadka caafimaadka[/caption]Xukuumada Senegal ayaa waxay xaqiijisay qofkii ugu horeeyey dalkaasi ee uu ku dhoco cudurka Ebola, taasi oo ka dhigaysa Senegal waddankii shanaad ee galbeedka Afrika ku yaala ee uu gaaro cudurkan Ebola.
London(GNA)-Reysal-wasaaraha Britain ayaa mar kale ku celiyay wel-welka ka haysta khatarta Khilaafada Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ku tahay dalkiisa.
Tawaangida AMISOM[/caption]
Taariikhdu waa isbedelka nolosha noolaha iyo bey'adda Illaahay ku uumay oo si taxane ah loo qoray loona sameeyay magacyo laysla yaqaan oo dhamaan aadamaha dunidan kunool muslin iyo gaalba ay ka siman yihiin isticmaalkeda inkasta oo ay jiraan astaamo iyo tafaasiil ay ku kala qotomaan.



Mogadishu, 29 August 2014 –(GNA)- Dawladda Soomaalida ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay weerarkii hubaysnaa ee ka dhacay deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool.
Madaxwenaha Maamulka labaxay khaatumo ayaa ku eedyeey madaxweyne siilaanyo inuu hurinayo colaad saamayn wayn ku yeelata wada naalaan shiiyaha dadka walaalaha ah ee ku dhaqan deegaanada 100 kmt isu jira waa siduu hadalka u dhigaye waxa uuna sheegay in uu wixii khasaare ah ee dagaalkaasi sababo uu ka masuul yahay madaxwene siilanyo 