Hargeaysa (berbera) wasiirka wasaarada madaxtooyada SomalilandXirsi Cali Xaaji Xasan ayaa digniin adag u diray madaxweynaha cusub ee loodoortay maamul goboleedka somaliyeed ee Puntland.
Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland oomaanta warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysaayaa waxa uu sheegay inaanay madaxda cusub ee Puntland isku dayin inay ku sooxad gudbaan dhulka Somaliland .
Ugu horayn wasiirka wasaarada madaxtooyada Somalilandoo ka hadlaya doorashada ka dhacday Puntland ayaa waxa uu yidhi Meesha layidhaahdo Puntland waa qayb ka mid ah somaliya maamulkeedana waxa u tartamayey cid somaliya ah guud ahaana waxaanu urajaynaynaa badhaadho iyo barwaaqo ka guulaystayna waxanu u jeedinaynaabadhaadho,
asiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland oohadalkiisa sii wata ayaa ka sheegay inaanay Somaliland u dul qaadan doonin inlagu soo xad gudbo dhulkeeda waxaanu yidhi Somaliland ahaana waxaanu kadigaynaa in lagu xad gudbo taako ka mid ah dhulkayaga,waxaana warbaahinta aanka maqlaynay iyada oo rag badani ay ku ololaynayaan inay u soo dhololayaan Laas Caanood iyodhulka Somaliland, waxaanu u soo jeedinaynaa inaanu nabad ku wada noolaano,kamana xumin inay somaliya nabad noqoto cida ku guulaystay doorashadana kama xumin laakin taako ka mid ahdhulkayaga haddii ay ku soo xad gudbaanwixii ka yimaada iyaga ayaa qaba, manaogolin wax xuduudayada ka mid ah inaygorgortan gasho cidna kama ogolin.
Ugu danbayntiina wasiirka madaxtooyada Somaliland waxauu hadalkiisa ku soo xidhay dalkan Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo nabdoon duniduna ay ku ixtiraamto xuduudihiisuna ay sugan yihiin oo layaqaano cid kasta oo ku soo xadgudubtana waxaanu dhawaaq hoose iyo mid dheerba ugu sheegaynaa ina kala kulmi doonto cawaaqib xumo wixii ka yimaadana ay tunka ku qaadan doonaan
Gobanimonews-Desk
Hargeaysa/Somaliland