Garoowe(GNA)-Codeynta ka socota Magaalada Garoowe ee lagu Dooranayo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ayaa hada waxaa dhamaaday.Wareega 1aad ee Codeynta Doorashada Madaxweynaha ayaa dhamaatay iyadoo guud ahaan la tiriyey codadka oo uu hada ku hogaaminayo Madaxweynaha xilka haya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 27 cod
Faroole: 27 cod
Gaas: 13 cod
Cali Xaaji:12 cod
Maxamed Cabdi Nuur: 6 cod
Shire Xaaji Faarax: 4 cod
Cali Cabdi Awaare: 3 cod
Cabdullahi Siciid Samatar: 1 cod
Sida xeerka Doorashada uu qorayo hadii hal murashax uu ku guuleysan waayo inuu helo 44 cod, waxay noqoneysaa wareega 2aad in loo gudbo oo ay ku tartamayaan sadexda murashax ee ugu cod badan kuwaasi oo kala ah:
Cabdiraxmaan Faroole
Cabdiweli Gaas
Cali Xaaji Warsame
Hoos ka eeg wadarta guud cododka ee Natiijada Wareega 1aad!
| |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Gobanimonews Agency