Tixdani waa tixda ugu culus abid intaan suugaan curinayey waayo waa tix ka qiimo badan murtidayda kale oo dhan, oo ku saabsan alle ka cabsiga dadkana wanaag faraysa samaana u rajeynayasa if iyo aakhiraba ilaahay ha inaga dhigo kuwii guulaystee waxay hogatusaalaynaysaa qof bani-aadamkaa waxayna ku baraarujinaysaa inuu is garto qofka uu yahay iyo inuu xasuusto allahii abuurtay, inuu oogo salaada , inuu bixiyo sadaqada inuu soomo ramadaanta iyo inuu xasuusnaado oo aanu ilduufin jidka siraad iyo waayaha aakhiro ee danbeeya,waxaan kale oo ilaahay ka dalbanayaa inuu inoo fududeeyo su'aalaha qabriga iyo sakaraatul mowdka.Waxan kale oo ilaahay kaga baryayaa inuu inaga nabad geliyo halaagiyo cadaabaha oo uu inaga dhigo safkii nebiga raacay ee lagu sooro wanaaga iyo farxadda, oo uu dhamaanteen inagu wada kulan siiyo janooyinkiisa qaaligaa....
Hadal dheeri waa abaare bal aan is kiin fasaxo idinka iyo maansada waxayna tidhi:
Salfudaydku waa hoog
Sahwiguna dhib iyo ciil
Waxa sababa cimilada
Saacadiyo ayaamaha
Siliciyo xanuuniyo
Sakaraadka gocashada
Waxa sababa bii'ada
Sebenkiyo amuuraha
Sakalaha aduunyada
Saatir oo la mahadshiyo
Salaadiyo digriga iyo
Dawadoodu waa samir
Caqligii saliim ahi
Waaka sooma maalmaha
Sodonkeeda ramadaan
Waaka xumaha saydhee
Rabigii Samaystiyo
U sujuuda weynaha
Waaka taagga sacabada
Ku saliya rasuulkana {csw}
Waa socod adoomuhu
Waa socdaal aduunyadu
Safar baynu wada nahay
Saldhigeenu waa iil
Sahaydeenu waa khayr
Salaadoo la oogiyo
Sadaqoo labixiyiyo
Saalixul acmaaliyo
Sooryadeenu gacaloow
Ubax laysa siiyiyo
Weedho suuban weeyaan.
Sare fadhiga uga kaca
Xumaantana ka saahida
Subaxii qiyaamaha
Jid siraad xasuusnoow
Wadka lama sakhirayoo
Cidna seegi maayee
Waxba saaca noloshiyo
Dhal-dhalaalka sudhan iyo
Suuradeeda ha u bogin
Saatiroow allahayoow
Subxaanoow casiisoow
Samiicoow Basiiroow
Su'aalaha xabaashiyo
Sakaraatul mawdkaba
Sahal nooga yeeloo
Adigaa samaystee
Janooyinka sideedaa
Safkii nebiga raacee
Saxariirka aragee
Sulufkiyo kulkeediyo
Suudheeda jahanaba
Samhariira dhaafee
Saacidaada hela ee
Salka dhiga fardowsiyo
Seeraha niciimee
Lagu sooro malabkiyo
Durdurada sunsumayiyo
Khamrigiyo sabiibtiyo
Nolol aan salguureyn
Sina laga gaboobeyn
Oo xanuun ku saaqiyo
Silic iyo abaariyo
Saxa xumo lahaynoo
Dadka saba barwaaqeed
Saxaabadii wacnaydiyo
Suubanoow rasuulkii
Salsalaamayaanoo
Farxad subaxan lagu jiro
Xaasidkana la solayoo
Saquum laga waraabshoo
Jahanabi sulaaqdoo
Xiqdigana saliidiyo
Subag looga dhigayoo
Sanka loogu shubayoo
Lagu sugay abaalkiis
Allow nagu sin maantaa
Adaa samaha bixiyee
Anigiyo so'daydiyo
Suuban hooyadayiyo
Marwadayda saxarliyo
Same aabahay iyo
Saxiibaday iyo
Saaxiibadood iyo
Inta samaha jeceliyo
Saalixyada islaamkiyo
Soomaaliyoo idil......
Dhamaad..
dhanaaniye@hotmail.com