Garoowe(GNA)-Odayaal iyo wax-garad ka soo jeedda Deegaanada Buuhoodle ayaa xoolo oo Adhi ah ku wareejiyay Isimo ka soo jeedda Deegaamada Puntland ee Goboladda Nugaal iyo Barri.
Kumanaan qoys ayaa ku caydhoobay duufaan dabayaaqadii sanadkii 2013-ka ku dhufatay Xeebaha Bariga Puntland.
Reer Buuhoodle ayaa Maanta wareejiyay 500 oo Neef, munaasibad lagu qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta Dawladda Punland.
Xubno isugu jira cuqaal, Isimo iyo waxgarad labada dhinac ka soo kala jeedda oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa mahad naq iyo bogaadin isdhaafsaday, isla markaana xoolahaasi la kala wareegay.
Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Cabdixakiin Cabdlaahi Xaaji Cumar Camay oo isuguna kulankaasi ka hadlay ayaa dadka ree Buuhoodle uga mahad naqay taakuulada weyn ee ay u fidiyeen walaalohooda Reer Puntland ee Duufaantu waxyeelaysay.
Mr. Camay ayaa talaabadan ku tilmaamay arrin ka turjumaysa dad jacaylka iyo deeqsinimadda shacbiga Buuhoodle, isagoo ku booriyay inay halkaasi ka sii wadaan tacaawimka dadkooda tabaalaysan.
Gurmadka loo fidinayo Bulshoweynta Gobollada Puntland ee haraatidu ka soo gaadhay Duufaantaasi, ayaa wali ka socda Deegaamada Puntland iyo meelo kale oo dalka ka baxsan.
Culimo-awdiinka Gobolka iyo dad badan oo samo-falka ka shaqeeya ayaa dadkaasi hore ugu fidiyay gurmad dhinacyo badana, isla markaana nool iyo mood kala duwan oo deeq ah gaarsiiyay.
Kumanaan qof ayaa ku Guryo iyo Maal beelay Duufaanka, boqol iyo dheeraad kalena way ku qudh baxeen.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com