Muqdisho(GNA)-Baarlamanka Somalia ayaa maanta laalay mowshinkii lagu diidanaa wasiiradii xukuumadii hore iney ka mid noqdaan xukuumada cusub ee la soo dhisayo oo la filayey in maanta loo codeeyo, dabadeed la diiday.
Kulanka Baarlamanka oo ay soo xaadireen 218 xildhibaan ayaa waxaa shir gudoominayey Maxamed Cismaan Jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamanka, waxaana intii aan la guda gelin dooda iyo codeynta mowshinkii hore gudoonka baarlamanka loo gacan geliyey mowshin cusub oo looga soo horjeedo in mowshinkii horeloo codeeyo kaasoo dhigaya in wasiiradii hore ay ka mid noqon karaan xukuumada cusub.
Gudoomiyaha baarlamanka ayaa codeyn geliyey mowshinka dambe ee lagu diidanaa mowshinkii hore, waxaana ogolaaday mowshinkan dambe 113 xildhibaan, waxaa diiday 99 xildhibaan halka 6 xildhibaan ay ka aamuseen.
Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in mowshinkii hore aan loo codeyn doonin, lana laalay ka dib markii xildhibaanadu u codeeyeen mowshinkan dambe ee looga soo horjeeday, isagoo xusay in wasiiradii ku jiray xukuumadii Saacid ay ka mid noqon karaan xukuumada cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha ayaa 24-kii saac ee ugu dambeeyay kulamo la yeelanayey xildhibaanadii mowshinka ka keenay wasiiradii hore si ay uga laabtaan go’aankooda taasoo hadda noqotay mid dhaqan gashay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan weli ku dhawaaqin xukuumad bedesha nidaamkii Raysal-wasaarihii hore ee Saacid shirdoon.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com