Tuesday, January 14, 2014

Dhegeyso: Sanad ka dib maxaa u qabsoomay Ururka Haweenka Qaranneeda Puntland?waraysi


DSC00020




Garoowe(GNA)-Ururka Puntland Women lawyers  Assocaition (PUWLA) waa urur ka shaqeeya u doodista Xuquuqda Haweenka ee dhinaca sharciga.



Waxaana ururkan ku bahoobay Haween sharciga ka bartay Jaamacaddaha Puntland, kuwaasoo markii ay waxbarashada dhamaysteen hindisay inay kaalmo sharci u fidiyaan haweenka dhibaatooyinka la kulma iyo dadka jilicsan ee Deegaamada Puntland.




Waxyaabaha ay Haweenka ka saacidaan   waxa ka mida dacwadaha Maxkamaddaha, sida Haweenka waxyeelada lagu soo gaarsiiyo Guryahooda iyo kuwa la kufsado, iyagoo dhinaca kalena dadka jilicsan ee degen xeryaha qaxoontiga iyo Baro-kacayaasha ay ka caawiyaan adeegyada sharciga.DSC00022




 



Wariye Saleban Cabdi Cali (Kalshaale) oo ka mida wariyeyaasha ka hawl-gala Mareegta Gobanimonews oo ku sugan Magaalada Garoowe, ayaa waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Ururkaasi Fadxiya Xirsi iyo ku-xigeenkeed oo uu kula kulmay xarunta Ururkaasi ee Magaalada Garoowe.




DSC00015




 



Halka ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Haweenka-Puwla.mp3"][/audio]DSC00017




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com