Garoowe(GNA)-Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa Maanta oo Salaasa ah xilka si rasmiya ugala wareegaya madaxweynihii hore.
Munaasibad balaadhan oo loogu talo-galay xil wareejinta ayaa ka socota Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.
Madaxweynaha cusub Prof Cabdi-wali Maxamed Gaas iyo ku-xigeenkiisa oo ay weheliyaan xubno tiro badan oo ka mida musharixintii Doorashada lagaga adkaaday ayaa goob-joog ka ah Munaasibadda.
Madaxweyneha xilka wareejinaya ee Cabdiraxmaan Sheikh Maxamuud Faroole, ku-xigeenkiisa iyo inta badan Golihii Wasiirada ee xukuumaddooda, ayaa iyaguna goobta ku sugan.
Marti sharaf isugu jira Caalami iyo Maxali ayaa sidoo kale ka soo qayb-galay, waxaana la adkeeyay amaanka goobta xil-wareejintu ka dhacayso iyo Guud ahaan Magaalada Garoowe.
8 Bishan Janaury ayaa Golaha Wakiillada Puntland doorteen Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen cusub, kuwaasoo shanta sanadood ee soo socda Manjaraha maamul ee Gobolka maanta la wareegaya.
Inta badan dhinacyada daneeya siyaasadda Gobolka ayaa soo dhaweeyay qaabka lagu doortay madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenka.
La soco warka oo dhamaystiran goor-dhow..
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com