Garowe(GNA)- Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland mudane Siciid Xasan Shire ayaa xilka kala wareegay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland mudane C/rashiid Maxamed xirsi.
Munaasabadii ay masuuliyiintani xilalka kula kala wareegayeen waxaa goob joog ka ahaa Madexweynaha cudub ee dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas, Madexweyne ku xigeenka, qaar ka mid ah Isimada Puntland, xildhibaanada golaha Baarlamaanka Puntland iyo Hogaankiisa, qaybaah bulshada iyo aqoonyahanka Puntland.
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland mudane C/rashiid Maxamed xirsi ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland mudane Siciid Xasan Shire, wuxuuna dhanka kale ka sheekeeyay waxyaabihii uu qabtay baarlamaankii uu guddoomiyaha ka ahaa.
C/rashiid wuxuu tilmaamay in uu gudoomiyaha cusub ku wareehgay xil weyn oo ay wada eeganayaan umada puntland, lagana doonayo in uu xilkaasi guddoomiyaha cusub u guto sidii loogu dhiibay, baarlamaanka cusubna ku hogaamiyo daacadnimo, furfurnaan iyo talo wadaag.
Dhanka kale guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland mudane Siciid Xasan Shire ayaa balan qaaday in uu sida xilkan loogu wareejiyay uga soo bixi doono, baarlamaankanna uu ku hogaamin doono qaab talo wadaag ah islamarkaana daacadnimo iyo furfurnaani ay ku dheehan tahay.
Dhanka kale Madexweynaha Puntland mudane C/wali Maxamed Cali Gaas oo isna kulankan hadal kooban ka jeediyay ayaa baarlamaanka ku dhiiri galiyay shaqada ay bulshada wakiilka uga yihiin, wuxuuna kula dardaarmay in ay wadashaqayn dhexdooda yeeshaan iskuna xurmeeyaan shaqada ka dhaxaysa.
Madexweynuhu wuxuu tilmaamay in baarlamaanku uu yahay qayb ka mid awoodaha dawlada islamarkaana looga baahan yahay in ay xilkooda si wanaagsan u gutaan.
qaar ka mid ah Isimada Puntland oo kulankan ka hadlay ayaa u hambalyeeyay baarlamaanka cusub ee Puntland, Hogaanka Baarlamaanka iyo Madexda dawlada Puntland, waxayna kula dardaarmeen ay gutaan waajibaadka saaran islamarkaana ay ka shaqeeyaan horumarka dalka, isku soo dumida umada iyo isu soo dhawyennta umada Puntland.
GNA
GWO Office