Friday, January 10, 2014

Madaxweynaha Puntland oo amrey in la ilaaliyo hantida dowladda inta lagu jiro xaaladda isbeddelka+ (Video)


 




Garoowe(GNA)Madxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta oo Jicme ah saxaafadda kula hadley aqalka uu a degan yahay magaalada Garowe. Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa ka hadley 




doorashadii u qabsoontey Puntland iyo isbedsdelkii ka dhacay. Madaxweyne Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa marka hore u mahad celiyey Madaxweynihiin hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo shantii sano ee la soo dhaafey Puntland Madaxweyne ka ahaa, “shalay Madaxweyneheeni ayuu ahaa, maantana waa oday Puntland oo talada wax ku leh ayuu yiri gaas”.




Madaxweynaha ayaa hanbalyeeyey, Isimmada, Guddigii doorashada ee Puntland iyo Guddiga Amniga oo uu u horeeyo Gen.Siciid Dheere. Waxaana uu mahadin kale oo gaar ah u direy dhamaan dadkii garab istaagey isbedelkii iyo kuwii u soo hanbalyeeyey ee gudaha iyo dibaddaba.




 




Madaxweynaha Puntland ayaa farey dhamaan shaqaalaha dowladda in ay ilaaliyaan hantida dowladdu iska leedahayw axaana uu yiri:




 




“Dhamaan hay’adaha dowladiga ah waxaa la farayaa in hawshii loo igmadey sideedi u wataan, qofkasta oo masuul ahna sidaas oo kale, Wasiirada, Agaasimayaasha Ciidanka waxaa la farayaa in la xafido hantida dowladda, sida gaadiidka, qalabka iyo agabkii wasaaraduhu ku hawl geli jireen, masuulkasta waxaa lagula xisaabtamayaa wixii uu masuulka ka ahaa”.




 




Hay’adaha amniga, saraakiisha iyo dhamaan ciidanka qalabka sida ayaa Madaxweynuhu sheegay in la faraayo in hawlihii amniga, difaaca, ilaalinta dalka iyo dadkaba ay u gutaan sidii loogu talo galay. Qalabka iyo agabka ciidanka waa in amsuuliyad gaar ah la iska saaro oo la xifdiyo.




 




Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey in ciidamada qalabka sida ay kaalinta kowaad kaga jiraan barnaamijka siyaasadda, sidaas darteed waxaan u ballan qaadeynaa in ay helaan agabka iyo xuquuqda ay leeyihiin, sida Tababarada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo daryeelka qoyskooda.




Ugu danbeyntii ayaa Madaxweynuhu ka codsadey shacabka Puntland in ay kaalin muhim ah ka qaataan ilaalinta amniga guud ee Puntland.




Dhismaha xukuumadda cusub




Mar la weydiiyey Madaxweynhaha waqtiga uu soo dhisaayo xukuumadda Puntland ayuu sheegey in dastuurku siinaayo 21 maalmood in lagu soo dhiso, waxaana rajeyneynaa in muddaas gudaheeda aan ku soo dhisno ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa ballan qaadey in uu dhisaayo dowlad kooban oo tayo leh oo bulshada u shaqeysa.




Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta oo Jicme ah saxaafadda kula hadley aqalka uu a degan yahay magaalada Garowe. Ugu horeyntii Madaxweynaha ayaa ka hadley doorashadii u qabsoontey Puntland iyo isbedsdelkii ka dhacay. Madaxweyne Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa marka hore u mahad celiyey Madaxweynihiin hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo shantii sano ee la soo dhaafey Puntland Madaxweyne ka ahaa, “shalay Madaxweyneheeni ayuu ahaa, maantana waa oday Puntland oo talada wax ku leh ayuu yiri gaas”. Madaxweynaha ayaa hanbalyeeyey, Isimmada, Guddigii doorashada ee Puntland iyo Guddiga Amniga oo uu u horeeyo Gen.Siciid Dheere. Waxaana uu mahadin kale oo gaar ah u direy dhamaan dadkii garab istaagey isbedelkii iyo kuwii u soo hanbalyeeyey ee gudaha iyo dibaddaba. Madaxweynaha Puntland ayaa farey dhamaan shaqaalaha dowladda in ay ilaaliyaan hantida dowladdu iska leedahayw axaana uu yiri: “Dhamaan hay’adaha dowladiga ah waxaa la farayaa in hawshii loo igmadey sideedi u wataan, qofkasta oo masuul ahna sidaas oo kale, Wasiirada, Agaasimayaasha Ciidanka waxaa la farayaa in la xafido hantida dowladda, sida gaadiidka, qalabka iyo agabkii wasaaraduhu ku hawl geli jireen, masuulkasta waxaa lagula xisaabtamayaa wixii uu masuulka ka ahaa”. Hay’adaha amniga, saraakiisha iyo dhamaan ciidanka qalabka sida ayaa Madaxweynuhu sheegay in la faraayo in hawlihii amniga, difaaca, ilaalinta dalka iyo dadkaba ay u gutaan sidii loogu talo galay. Qalabka iyo agabka ciidanka waa in amsuuliyad gaar ah la iska saaro oo la xifdiyo. Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegey in ciidamada qalabka sida ay kaalinta kowaad kaga jiraan barnaamijka siyaasadda, sidaas darteed waxaan u ballan qaadeynaa in ay helaan agabka iyo xuquuqda ay leeyihiin, sida Tababarada, Waxbarashada, Caafimaadka iyo daryeelka qoyskooda. Ugu danbeyntii ayaa Madaxweynuhu ka codsadey shacabka Puntland in ay kaalin muhim ah ka qaataan ilaalinta amniga guud ee Puntland. Dhismaha xukuumadda cusub Mar la weydiiyey Madaxweynhaha waqtiga uu soo dhisaayo xukuumadda Puntland ayuu sheegey in dastuurku siinaayo 21 maalmood in lagu soo dhiso, waxaana rajeyneynaa in muddaas gudaheeda aan ku soo dhisno ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa ballan qaadey in uu dhisaayo dowlad kooban oo tayo leh oo bulshada u shaqeysa.








Gobanimonews-Desk