Hargeysa (GNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa
Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa u baqoolay dhinaca Magaalada Adis Ababa, halkaas oo uu mudada uu ku sugan yahay uu kulamo kula yeelan doono Ra?isal Wasaaraha Ethiopia iyo xubnaha ugu sareeya dalkaasi.
Socdaalkan oo ku soo beegmaya wakhti ay wadada hadalada Somalilad iyo Somalia dib uga furmi doonaan maalmaha soo socda dalka Turkiga, ayaan si dhab ah loo ogeyn ujeedadiisa.
wararka qaar aya shegaya in madax waynuhu u baxay xaalado caafimaad.
Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Madaxweynaha-ee-ujeedadda-Safarka-Ethiopia-uu-kaga-waramay-.mp3"][/audio]