Saturday, January 18, 2014

Fabregas : Ka Hadalka Kubadda Dahabka Wax Micno ah samaynmayso Waana Waqti Lumis.


pic_1387670692_781fabregasXiddiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Fabregas ayaa
muujiyay in uu aad uga niyad jabsan yahay ka hadalka badan ee abaal
marinta kubadda dahabka .




Majalada Granada 360 ayaa ka soo xigatay Fabregas ” ka hadalka arintaan
waa caruurnimo laguna caajisiyo , waxaan rajeynayaa in arintaan ay soo
dhamaato maxaa yeelay bil adag oo ay jiraan kulamo adag ayaa nagu soo
wajahan taasina ayaa mudan in aad loo xiiseeyo , waan u hambalyeeynayaa
Ronaldo oo ku guuleystay abaal marinta kubadda dahabka”.




Isaga oo ka hadlayay Messi ayuu Fabregas yiri ” Messi waa soo laabtay
muddo fog ka dib , wuu soo ceshtay awoodiisa wuuna ku soo laabtay gool
dhalinta”.