Saturday, January 18, 2014

Barca Oo Diyaarinaysa Inay U Ogolaato Taageerayaasheeda In Lagu Aasi Karo Garoonka Camp Nou Dhexdiisa .


Barcelona-New-Camp-NouTaageerayaasha Barcelona ayaa laga yaabaa in loo soo bandhigo fursad ah in lagu aaso garoonka kooxda laakiinse waa haddii ay ka guuraan midka haatan oo ay u guuraan mid cusub..




 




Kooxda reer Spain ayaa qorsheyneysa inay u baneyso ilaa 30 kun oo sanduuqa meydadka in la dhigi doono dhulka hoose ee garoonka haddii ay u guuraan garoon ka weyn Camp Nou mustaqbalka.




 




Josep Ramon Vidal-Abarca oo ah agaasimaha dhanka adeegyada kooxda ayaa qirtay in fekerka ah in qabuur loo bedelo garoonka haatan ay tahay mid ka timid rabitaanka taageerayaasha kooxda.




 




Waxa uu u sheegay The Guardian: “Arintaan waxa ay jawaab u tahay dalanka taariikheed ee taageerayaasha kuwaasoo doonaya in lagu aaso garoonka dhexdiisa.”




 




Waxaa lagu soo waramayaa in marka hore la baneyn doono boos qaada ilaa iyo 500 qabuuro iyadoo qiimaha uu ka bilaabanayo 2500 ginni.