Monday, June 17, 2013

SOLJA: Xayiraadka Wargeyska Hubaal Xukuumaddu waxay ku Adkeysatay in Garsoorka lagu kala baxo”


Hargeysa(GNA)-Gudddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay Xayiraada wargeyska Hubaal lagu soo rogay todobaadkii hore dhamaadkiisii.




Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inuu xukuumadda uga ergooday arinta Wargeyskaasi, ka dibna xukuumaddu ku adkaysatay inay sharciga ku kala baxayaan Wargeyskaasi iyo dawladu. Waxa uu sheegay inay Urur ahaan Kiiskaasi ku Ixtiraamayaan Garsoorka, isla markaana aanay cidna ku cambaareynayn. “Arrinta ku saabsan wargeyska Hubaal ee lagu xayiray, anigu guddoomiye ahaan Hore ugamaan hadal waxaanan ka door biday inaan ka ergeeyo oo aan dhexdhexaadiyo Oo aan dhinaca xukuumadda kala xaajoodo sidii xayiraadda looga qaadi lahaa, Laakiin xukuumaddu dhinaceeda waxay ii sheegtay inay dhibbane ka tahay oo waxay ku adkaysteen inay dhinaca sharciga ku kala calaf qaadaan, annaguna urur ahaan waxaannu garanay maaddaama ay sidaa tahay oo Arrintii ay garsoorku gacanta ku hayaan in lagu ixtiraamo shaqadooda, maantana halkan cidna ka cambaarayn mayno.”. Xasan Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha Ururka SOLJA, waxa kale oo uu cadeeyay inaanay urur ahaan ilaa hada ogayn Kiiska Hubaal loo haysto. “ Sababta kale ee aanan hadda waxba uga odhan karini waxa weeye ilaa imaka ma ogin dacwadda loo haystaa nooca ay tahay, waxa qudha ee aan deel qaafka u arkaana waxa weeye inaan loo marin sidii uu xeerka saxaafadda u yaallay dhigaayey oo ahayd in loo yeedho oo dacwadda lagu soo oogo Tafatirka wargeyska”.