Tuesday, June 25, 2013

Boliiska Dhanka Dhaqaalaha Italy Oo Baaritaan Ku Sameeyay 18 Kooxood Oo Serie A Ka Dhisan


Boliiska dhanka dhaqaalaha Italy ayaa baaray xafiisyada ilaa 41 koox oo kubada cagta oo ay ku jiraan inta badan kooxaha ka ciyaara Serie A.




18 ka mid ah 20ka kooxood ee Serie A ka ciyaarta ayaa waxaa bartilmaameedsaday Guardia di Finanza iyadoo arintaan ay qeyb ka tahay dacwad ay ka gudbiyeen qareeno dowlada ah oo jooga Naples.




Boliiska ayaa qaatay dukumiintiyo la xiriira heshiisyada suuqa kala iibsiga ee ay saxiixeen kooxaha, ciyaartoyda iyo wakiilada.




Maamulka ayaa waxa ay raadinayaan cadeyn la xiriirta in qiyaamo dhanka canshuurta ah la sameeyay, ama in lacag sharci darro ah la isweydaarsaday.




Qaar ka mid ah kooxaha la baaray waxaa ka mid ah: Juventus, Milan, Napoli, Lazio, Roma, Udinese, Parma, Pescara, Palermo, Atalanta, Juve Stabia, Benevento, Genoa, Catania, Spezia, Piacenza, Livorno, Bari, Vicenza, Siena, Reggina, Chievo, Cesena, Grosseto, Gubbio, Lecce, Ternana, Sampdoria, Triestina, Fiorentina, Portogruaro, Brescia, Mantova, Torino iyo Albinoleffe.




 




 




Dhaqdhaqaaqa kooxo kale oo ajnabi ah ayaa iyagana xaaladooda la qiimeeyay. Baaritaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku socdaa howsha ilaa 12 wakiil.