Wednesday, June 26, 2013

Somaliland: Deegaan Waliba wuxuu Baafinayaa in Wasiir ugu jiro Xukuumadda cusub ee Isku shaandheynta!


Hargeysa(GNA)-Saaka ayaa lagu waabariistay tirinta Masuuliyiinta cusub ee Xilalka loo magacaabay iyo doodad ka abuurantahay, wallow dadka qaar aanay xalayba seexan.




Gobol kasta, degmo kasta iyo deegaan waliba wuxuu baadhanayay bal in Masuul cusub ugu jiro iyo in kale, qaar badanbaana ku hungoobay, halka kuwo aan Mansab buuran filayni Liiska ka dhex halacsadeen ashkhaas ay hayb ama Heel wadaagaan oo Xilal sare loo dhiibay.




Tani waxay ka turjumaysaa sida ay bulshada Reer Somaliland qoys waliba u jecelyahay inuu ka dhex muuqdo Dadka ugu firin-fircoon dhinaca Maamulka, hase ahaatee taasi waxa meesha ka saaraya tirada Kuraasta la jecelyahay oo yar iyo Bulshada oo aan aaminsanayn in Masuulku xil qaran qaaday, ee Qabyaalada jecel.




Waxyaabaha ugu cajiibsan ara’da iyo su’aalaadka Digreetada Madaxweynaha ka dhashay waxa ka mid ah, meel fog oo aan wargeys iyo Warbaahin kale toona fursad u helin oo hadana doonaya inuu xog rasmiya ka helo saamiga deegaankoodu ku leeyahay Xukuumadda cusub, kaasoo Telefoon ku wareeriyay dadkii uu ku tuhmayay Xogogaalnimada Magaalada.




Isku yaaca iyo Doodda ilaa hada ka taagan arintan waxa sabab u ah Liiska oo dheer, Dadka la magcaabay oo badankoodu cusub iyo Saacadda Madaxweynuhu go’aanka shaaciyay oo midiba mid ka sii wareerisay dadka, waxaana lagu tilmaamayaa Isku shaandheynta tii ugu balaadhnayd ee Madaxweyne Somaliland ahi sameeyo tan iyo markii Waddanka la soo galay.




Gobanimonews




Hargeysa Office