Tuesday, June 25, 2013

Bangiga Barclays ee dalka Britain oo sheegtay iney joojinayaan xiriirka Xawaaladaha Soomaalida


(GNA) Xawaaladaha Soomaalida dalka Uk ayaa ka codsaday xukuumada dalka Britain in ay gacan ka siiso sidii loogu qancin lahaa Bangiga Barclays in uu dib uga noqdo go,aanadii ahaa inuu joojiyay xiriirkii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida.




Lacagta ay diraan qurba-joogta Soomaalida ee la soo mariyo xawaaladaha ayaa wax weyn ka tarta dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan gobolka geeska Afrika. Qurba-joogta ayaa wadanka dhulalkaas u dira dhaqaale gaadahaya $1.2 bilyan sanad kasta.




Maamulka Bangiga Baraclays ayaa sheegay in uu go’aan ku gaaray joojinta adeega bangiyeed ee uu siiyo xawaaladaha Soomaalida, maadaama uu ka cabsanayo in lacagaha xawaaladuhu galaan gacanta ururada argagixisada ah. Maamulka Bangiga ayaa intaa ku daray, in lacagaha la diro aan qaarkood si wanaagasan loo hubin karin, taas oo dhalin karta in lagu fuliyo fal dambiyeedyo aan cidna damaanad qaadi karin.




Xawaaladaha ayaa galay meesha bangiyada, kadib markii dowladdii Soomaaliya ay burburtay. Waxa ay xawaaladuhu xafiisyo ku leyihiin goobo badan oo caalamka ah, gaar ahaan meelaha Soomaalidu ku badan tahay iyo dalkii Soomaaliya oo idil.




Go’aanka bangiga Barclays ayaa ku soo beegmay xilli d0wlada Soomaaliya ay dadaal xoog leh u gashay sidii beesha caalamka uga dhaadhicin lahayd in dib loo soo nooleeyso cilaaqaadkii ay la lahayd Soomaaliya.




Sida waakalada Wararka Reuters ay ka wareysatay Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliyeed balse aysan shaacini magaciisa ayaa ku tilmamay talaabada lagu joojinayo dirista lacaga soo gaarayay dalka gudahiisa ay muhiim tahay in ay dib u helaan shacabka Soomaaliyeed nabad waarta isagoo arrintaas ku sifeeyay in lacagaha lagasoo diro qurbaha qaar kamid ah ay sitoos ugu gacan gasho kooxaha qas wadayaasha ee ka jira Soomaaliya oo ay ugu horeeyso ayuu yiri Al Shabaab.




Maamul katirsan Shirkada xawaalada Dahabshiil Abdirashid Duale oo wareysi isagana siiyay wakaalada wararka Reuters ayaa usheegay in dadka ku nool dalka Soomaaliya ay ku nool yihiin nolosha qurba-joogta islamarkaana ay ka codsadeen in Bangiga Barclays ay soo hordhigto sharuudyo kale oo ka bedalan joojinta xiriirka xawaaladeeda ee kala dhexeeya xawaaladaha Soomaalida.
.




Warbixin ay soo saartay ururka Somali Money Services Association (SOMSA) ayey ku sheegeen 12 xaruumood oo ka tirsanaa 17 ee ku taallay magaalada London ay lumiyeen miisaaniyadooda iyagoo ku waayay ayey yiraahdeen Bangiga Barclays iyo HSBC.




Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Anab Mire Hussein oo kula nool sagaal caruur ah oo ay haysato magaalada Muqdisho ayaa uga warbixisay Reuters nolosha iyada iyo caruuteeda ay ku nool yihiin in ay tahay mid ku tiirsan dhaqaale kasoo gala dalka Britain oo uu ku sugan yahay wiil ay dhashay.




Si Kastaba ha ahaate xaalada dowladda ayaa u fahantay in hadii la joojiyo qaabka xawaaladaha ay xal deg deg ah u heli karaan dhanka iyo amaanka iyagoo aaminsan in dhibaatada ay tahay mid ka timaada qurba-joogta islamarkaana lacagaha katimaada qaarkood lagu masaarifo ururka Al Shabaab.