Saturday, June 29, 2013

Burco:Culimo kala Firqo ah oo Masaajiddada iska weeraray iyo Maamulka Degmada oo Amar ka soo saaray


Burco(GNA)-labada Firqo Diimeed ee la kala yidhaahdo Ictisaam iyo Salafi ee Magaalada Burco  ayaa la sheegay inay maalmahan  hadalo muujinaya Khilaaf dhexdooda ah iska weydaarsanayeen Masaajidada Magaaladaasi.




Koox dhalinyaro ah oo la sheegay in ay dibeda ka yimaadeen  ayaa toddobaadkan oo dhan Khudbado ku lidi ah irqada  Salafka ka jeedinayeen  masaajid ay maamulaan oo ku yaala magaaladda Burco.




Xubno ka mid ah Bulshada Reer Burco  sheegay inay Khudbadahaasi  ku wajahnaayeen kooxda kale ee Salafiyiinta la yidhaahdo, balse wax jawaab ah intii hore marna may bixin kooxda Salafiyiintu.




Sida Dad ay ku sugan Magaalada Burco Gobanimonnews u sheegeen xalay ayay markii ugu horeysa firqada Salafiyiintu jawaab ka bixiyeen Eeddaha uga yimi Ictisaam, waxaanay jawaabtu sii xoogaysay khilaafkii jiray oo marka hore dhinac ka socday.




Geesta kale, Sida uu ku Waramay Wariye ka tirsan Wargeyska Waaheen hadaladan oo ay Masaajidda iska dhaafsadeen Culimadu, ayaa magaaladda Burco ka dhex abuuraya  xaasaasiyad Diimeed oo u dhaxeeya labada kooxood, kuwaasoo saamayn ku yeeshay bulshada inteedii kale, isla markaana waxa uu khilaafkoodu noqday mid laga hadal hayo goob kasta oo la isugu yimaado magaaladaasi.




Dhinaca kale, Maayarka magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Muraad) ayaa maanta oo Jimce ah  Salaada Jimce kadib labada kooxood kala hadlay mid ka mid ah masaajidada Burco, waxaanu ka dalbaday in ay joojiyaan khilaafka ka dhex curtay, isagoo ku soo rogay in aanay masaajidada ka jeedin Karin Khudbado danbe oo ay isku weerarayaan.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland oo la xidhiidha arintan, waxaanay tani arintani u muuqataa mid tashuush iyo qadaf ujeedo Xambaarsan keeni karta, hadii aanay xukuumadu talaabo degdeg ah qaadin.




Waayo waa arin saamayn ku yeelanaysa Caqiidadda Islaamka iyo guud ahaanba Bulshada reer Somaliland oo ah dad Boqolkiiba Boqol Islaam ah.




Gobanimonews




Burco Office