Sunday, June 30, 2013

Munaasabad Hadhimo Sharafeeda Oo Ay Soo Agaasintay Beesha Koonfurta Hargeysa Loona Sameeyay Golihii Cusbaa Ee Wasiirada Somaliland Ayaa Ka Dhacday Hotel..+SAWIRR


(GNA) Xaflad ballaadhan oo hadhimo sharafeed ahayd, laguna soo dhaweynaayay Wasiirada cusub ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo xilka u magacaabay, kuwaas oo uu hoggaaminaayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa  lagu qabtay Magaaladda Hargaysa. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Koonfurta Hargaysa.




Xaflad Aan Noocedu Hore U Dhicin oo Ay Beesha Koonfurta Hargaysa Ku Qabileen Wasiirada Cusub Oo U Hoggaaminaayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland.




Ugu horreyn Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo munaasibadas ka hadlay, ayaa sheegay in degaanka uu  Suldaanka  u yahay ay soo dhaweynayaan Magaacibsta Madaxweynaha, sidoo kale wuxuu bulshada kula dar daarmay in aanay Xukuumadda uun waxba ka sugin maadaama oo  dhaqaalaheenu kooban yahay. “Waan soo dhaweynaynaa labada Wasiir ee Madaxweynuhu magacaabay, waxaanan leenahay sadkana hanaloo kordhiyo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.








 




Waxaa iyaguna Munaasibaas ka hadlay, Wasiiro tirobadan oo ay kamid ahayeen. Wasiiradda Wasaaradaha, Cadaalada, Caafimaadka, Shaqada iyo Shaqaalah, Madaxtooyadda, Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Wacygalinta.




Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland  Xirisi Cali Xaji Xasan oo hadal kooban oo kaftan ah halkaas ka jeediyay, ayaa yidh. “Runtii  waxay cadayeen beesha Degaankani inay yihiin Boqortooyaddii, waxaan leeyahay  Wasiir Cali Warancadde iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi idinkana waa laydinka fadhiyaa”.




Dhinaca kale Waxaa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha  Xisbiga Muxaaifka ah ee Kulmiye Muj: Muuse Biixi Cabdi, oo u mahad naqay odayaashii xafladaas soo agaasimay sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay Wasiirada cusub iyo  kuwa laysku badalayba.








 




 




 




 




 




 




Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta Hidaha iyo dhaqanka oo munasibaad soo afmeeray ayaa u mahadnaqay duqaydii soo abaabushay xafladaas. Isagoo sidoo kale ka codsaday bulshada inay xilka ugu duceeyaan.




Xafladan ayaa marka la eego wajiyaasha ay kulmisay waxay ahayd mid aan nooceeda hore loo arag.