Tuesday, June 25, 2013

Liiska Ciyaartooyda Diirada U Saaran Kooxda Man United Iyo Qiimaha Ay Joogaan.


Bogga Sports mole ayaa soo daabacay liiska ciyaartooyda xagaagaan ay doonayaan kooxda Man United in kooxda ay ku soo jiidaan.




1-Leighton Baines: Xidigaan garabka uga ciyaara kooxda Everton aad ayaa loola xariirinayaa kooxda United iyadoo hishiiskiisa haatan uu dhamaanayo xagaaga 2015-ka.




Laacibkaan 28-sano jirka ah ayay United u arkaan badelka ugu wanaagsan ee Evra kaasi oo heer ciyaareedkiisa uu hoos u dhacay , waxaana lagu wada ain United uga baxo qarash gaaraya 20-milyan oo euro .




2- Geoffrey Kondogbia : United daafac aad ayay ugu baahan tahay , waxaana xiddigaan Sevilla doonaya kooxo dhowr ah iyadoo qarashka uga baxaya uu yahay 10-milyan oo gini .




3- Thiago Alcântara : laacibkaan doonaya in uu ka huleelo kooxda Barcelona ayaa aad loola xariirinaya in United uu u wareegayo , waxaana qiimihiisa uu yahay 18-milyan oo euro .




4- Marco van Ginkel: Xiddigaan u ciyaara kooxda Vitesse ee dalka Holland da`diisana tahay 20-sano jir ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay kooxdiisa 8-gool , waxa uuna qiimihiisa gaarayaa 10-milyan oo gini.




 




 




5- Roberto Soldado : weeraryahankaan Valencia , waxa uu xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay koxdiisa 24-gool, waxaana United laga sugayaa 12-milyan oo gini.