Saturday, June 29, 2013

Xiddiga Cusub Ee Madrid Isco Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Uu Eeygiisa Ugu Magacdaray Messi.


Saxiixa cusub ee Real Madrid Isco ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu eeygiisa ugu bixiyay Lionel Messi, isagoo ku tilmaamay inay tahay jaceyl uu u qabo xiddiga Barcelona.




Kubadsameeyahan ayaan kaliya dareensaneyn in xiddiga Argentina uu yahay xiddig kaligiis taagan, laakiin waxa uu sidoo kale ugu magacdaray eeygiisa xiddiga afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or.




“Eeygeyga waxaan ugu magacdaray ‘Messi’ sababtoo ah Messi waa ciyaaryahanka adduunka uguu fiican, eeygeygana waa kan adduunka ugu fiican” ayuu Isco kaga jawaabay markii la weydiiyay sababta ka danbeysa magacaan qariibka ah.




21 jirkaan ayaa hada ka hor bogaga hore soo koray ka dib markii wareysi hore uu bixiyay uu isku tilmaamay inuu yahay anti-Madridista markaasoo uu joogay Valencia, isagoo ku sababeeyay in Madrid ay tahay koox isla weyn.




 




 




Isco ayaa heshiis shan sanno ah u saxiixaya Real Madrid marka uu dhameysto tijaabada caafimaadka 3da bisha July markaasoo saxaafada loo soo bandhigi doono, markaasoo uu su’aalo la xiriira hadalkiisii hore ee ku aadanaa anti-Madrista wax badan laga weydiin doono.