Tuesday, June 25, 2013

Madaxweynaha dalka Kenya oo ku Hanjabay inuu Awood u Isticmaali doono dhinacyada ku dagaallamaya gobolka waqooyi bari


(GNA) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu awood u isticmaali doono maleeshiyaadka hubaysan ee ka dagaallamaya deegaanadda Mandheera iyo Wajeer  hadii aanay hubkooda soo dhiibin.




Kenyatta oo maanta kulan xaasaasi ah madaxtooyada kula qaatay hogaamiyayaasha gobolka waqooyi bari ee uu dagaalku ka socdo ayaa dalbaday in si dhakhso ah dawlada loogu soo gacangaliyo dhammaan hubka sharci darrada ah ee ay haystaan dhinacyada ku dagaallamaya deegaankaas.




“Hadii la soo afjari waayo cadaawada, dawladu waxa kaliya oo u furan waa inay awood isticmaashaa” ayuu yiri madaxweynaha Kenya oo sii raaciyay inaan loo dulqaadan doonin dilka loo gaysanayo caruurta iyo haweenka.




Kenyatta ayaa sidoo kale ka digay in odayaasha deegaanada Mandheera iyo Wajeer ay masuuliyada qaadi doonaan hadii ay sii socdaan dagaallada hubaysani.




Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay xataa bartilmaameedsanayaan haweenka iyo carruurta kasoo kala jeeda qabaa’ilka ku dagaallamaya deegaankaas.




Digniinta uu jeediyay madaxweynaha Kenya ayaa noqonaysaa tii ugu adkayd ee uu jeediyo tan iyo markii ay dagaalladu ka qarxeen gobolka waqooyi bari, kuwaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo gubitaanka tuulooyin ku yaalla halka ay dagaalladu ka socdaan