Tuesday, June 25, 2013

Madaxweyne Siilaanyo: Isku Shaandheyn Mug leh, Xukuumadda Muuqaal cusub iyo Masuuliyiinta Seeftu Qaaday



Hargeysa(GNA)-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Caawa soo saaray Isku shaandheyn cusub iyo magacaabis Masuuliyiin cusub.




 




 




Wareegto ka soo baxday Caawa abaaro Kawdii iyo dheeraad, ayuu Madaxweynuhu ku magacaabay Wasiiro cusub oo tiro badan, kuwaasoo dhamaantood u muuqda kuwo siyaasada ku cusub.




Halka kuwo uu xilalka ka qaadayna meelo kale u magacaabay.




Ugu yaraan 19 Masuul oo xukuumaddiisa ka tirsan ayuu Ashkhaas cusub keenay, halka kuwo kale oo Golihiisii hore ah Wasaarado kale u bedelay.




Wareegtadan, waxa ka dhex muuqda Hogaamiyihii SSC, ahaana wasiirkii Dib u dejinta Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye ) oo loo magacaabay wasiirka Caafimaaadka, Wasiirkii hore ee duulista Hawada ee Xukuumaddii Rayaale Cali Maxamed Warran-cadde loo magacaabay Wasiirka arrimaha Gudaha.




Sidoo  kale Wasiirka arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah loo magacaabay Maxamed Biixi Yoonis oo ah siyaasi cusub.




Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu halkan ku bedelay Wasiirkii hore ee Hawlaha, Caafimaadka warfaafinta iyo Macdanta iyo biyaha oo uu qaarkood meelo kale u bedelay qaarna Eryay.




Digreetada Madaxweynaha oo lagu shaaciyay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeen Axmed Saleban Dhuxul, ayaa u dhignayd sidan:-




War-saxaafadeed




Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.




 




MADAXWEYNUHU:-




 




Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;




 




Markuu Tixgeliyey:    Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;




 




Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasaaraddahan JSL;




 




Markuu Ka Fiirsaday:         Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;




 




Markuu ku Qancay:   In ay  hanan karaan xilalkan loo magacaabay;




 




 




 




 




Wuxuu go’aansaday




 





 




 




In laga bilaabo taariikhda maanta masuuliyiintan uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalkan.












































































































S/No.




Title-ka




Magaca




 




Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda




Maxamed Biixi Yoonis




 




Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha




Cali Maxamed Warancade




 




Wasiirka Wasaaradda Deegaanka




Shugri X. Ismaaciil Baandare




 




Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda




Cali Jaamac Faarax (Buureed)




 




Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta




Maxamed Jaamac Abgaal




 




Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta




Axmed Cabdi Kaahin




 




Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda




Aaden Axmed Warsame




 




Wasiirka Wasaaradda Biyaha




Xuseen Maxamed Cabdille




 




Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada




Maxamed Muuse Abees




 




Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta  Gobollada Bari ee JSL




Cali Maxamuud Axmed (Sandule)




 




Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare




Axmed Nuur Faahiye




 




Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta




Xasan Daahir Dhinbiil




 




Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda  Beeraha




Aaden Ibraahin Yuusuf Ashqar




 




Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada




Shugri Xariir Ismaaciil




 




Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta




Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir




 




Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga




Cabdi Daahir Camuud




 




Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga




Bashiir Cabdi Xariir




 




La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta (Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka)




Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)




 




La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada (Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka)




Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)





 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




WAXA KALE OO UU MADAXWEYNUHU XILALKII AY HAYEEN UU KA BEDELAY XUBNAHAN HOOS KU QORAN UNA MAGACAABAY XILALKAN:-




 





















































S/No.




Title-ka




Magaca




 




Wasiirkii hore ee Wasaarada Dib-u-dejinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Caafimaadka )




Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye)




 




Wasiirkii hore ee W/Ganacsiga waxa loo bedelay) Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka




Cabdirisaaq Khaliif Axmed




 




Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibeda waxa loo bedelay (Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga)




Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar




 




Wasiir ku xigeenkii hore ee W/faafinta waxa loo magacaabay (Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta)




Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)




 




Wasiirkii hore ee W/faafinta waxa loo bedelay (Wasaaradda Warshadaha)




Abiib Diiriye Nuur (Timacade)




 




Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda




Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)




 




Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Mdaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Asxaabta)




Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade)




 




Wasiirka Hore ee Wasaaradda Deegaanka waxa loo magacaabay (La-taliyaha Arrimaha Garsoorka iyo Cadaalada)




Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacamey)





 




 




SIDOO KALE WAXA MADAXWEYNUHU UU XILALKII AY HAYEEN UU KA  NASIYEY WASIIRADAN HOOS KU QORAN:-











































S/No.




Title-ka




Magaca




 




Wasiirkii Hore Wasaaradda Arrimaha Gudaha




Maxamed Nuur Caraale (Duur)




 




Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warshadaha




Cabdirisaaq Cali Cismaan




 




Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka




Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)




 




Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta




Cali Cilmi Geelle




 




Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga




Aaden Diiriye Cigaal




 




Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare




Cali Xaamud Jibriil





 




 




 




 




ALLAA MAHAD LEH
 




Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.