Tuesday, June 25, 2013

Midowga Yurub iyo Ciidanka Badda somaliya oo Markab Dushii kaga Xaajooday Marxaladda Budhcad Baddeeda






Muqdisho(GNA)-Saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa Markab dagaal oo ku sugan  xeebaha Muqdisho kula kulmay Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub, iyadoo saraakiishan diyaarad Helicopter ah lagaga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.





Markabka oo laga lahaa dalka Portugal ayaa qeyb ka ah hawl galka Midowga Yurub ka wado Xeebaha Soomaaliya ee la dagaalanka budhcad badeedka, iyadoo dusha sare ee markabka kulan ka dhacay uu ka qeyb galay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone D’urso iyo taliyaha hawlgalka ciidamada Badda ee Midowga Yurub.

Saraakiisha kulan la yeeshay ka tirsanaa Ciidamada Badda Soomaaliya, waxaana sida la sheegay  ay kala hadleen Midowga Yurub arrimaha ammaanka badda iyo sidii ciidamada badda Soomaaliya awood ugu yeelan lahaayeen la dagaalanka budhcad badeeda.

Michele Cervone D’urso oo ah Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta ammaanka xeebaha Soomaaliya, isagoo oo tilmaamay in Midowga Yurub uu qeyb ka qaadanayo dhisidda iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kulankan waxyaabihii lagaga hadlay la horgeyn doona shirka bisha September ka dhici doona dalka Belgium ee Somalida loo qabanayo.




Wax war ahi kama soo bixin dhinaca saraakiisha Somalida, balse waa markii u horeysay oo saraakiil ka tirsan dowladdu ay Markab ku sugan xeebaha Muqdisho kula kulmaan saraakiil iyo mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub.




Warbixino mudooyinkan dambe soo baxayay, ayaa sheegayay in hoos u dhac weyni ka muuqdo Baaxadda Falalka Budhcad badeednimada ah ee ka dhaca  somaliya,taasoo marka la bar-bar dhigo kuwa ka dhaca Marin-biyoodka Afrikada dhexe qadar aad u yar noqonaya.




Gobanimonews




Muqdisho Office