Saturday, June 29, 2013

Xasan Daahir Aweys wuxuu gacanta ugu jiraa Ciidamadda Dawlada Somaliya, walina go’aan lagama gaadhin






Muqdisho(GNA)-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa halkaas kulan kula leh Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo wafdigii ka keenay Cadaado oo uu ku jiro Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb.

Sida ay sheegayaan waraka laga helayo Garoonka Magaalada Muqdisho Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo markii hore ku lug lahaa wada hadalada Xasan Dahir lagu keenayay Muqdisho ayaa hada kulan toos ah la leh wadaadka.

Sheekh Xasan Dahir ayaa wali ku sugan garoonka oo aan laga bixin, sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii ka keenay Cadaado ayaa iyana garoonka jooga, waxayna wada hadalada socda ay yihiin kuwo saddex geesood ah oo looga arinsanayo xaalada Xasan Dahir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan hada ka socda Garoonka uu qeyb ka yahay kulamo ammaanka looga hadlayay oo ay goor dhoweyd yeesheen Hey'adaha ammaanka dowladda, kaasoo ku saabsanaa sida laga yeelayo Wadaadka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlayo dhaqan gelinta heshiis la sheegay inuu ahaa midka Xasan Dahir lagu keenay Muqdisho, kaasoo ay la soo galeen Xubnaha tagay Cadaado ee isugu jiray Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha.

Heshiiska ayaa qodob ka mid ah dhigayay in Xasan Dahir aanan saxaafada la tusin marka uu ka soo degayo garoonka, iyadoo muuqaalo laga soo qaaday garoonka Cadaado markii uu ka soo baxayay la arkayay wadaadka oo khamiis xirnaa oo wajiga ay camaamad ugu duubneyd, iskana qarinayay saxaafada.

Xasan Dahir lagama hayo inuu isa soo dhiibay, inuu ka tanaasulay fikirkiisa iyo inuu dowladda ku soo biira doona, sidoo kale lama oga halka ay ku dambeyn doonto mustaqbalkiisa.

Hase ahaatee waxaa kaliya muuqata in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan, isla markaana uu ku sugan yahay mid ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo.

Waxaa xusid mudan in markii Sheekh Xasan Dahir ka soo degayay garoonka Muqdisho aanay madaarka ku sugneyn Ciidamada AMISOM, waxa kaliya ee goobta joogay ay ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ahaa, oo ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ammaanka, kaasoo looga arinsanayay sidii Xasan Dahir ammaankiisa loo adkeyn lahaa.

Xaalada magaalada ayaa ka duan sidii hore, iyadoo aad looga hadal haayo Xasan Dahir oo caawa fiidkiia y diyaarad keentay, waxaana ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.




Imaanshiyihiisa Muqdisho, ayaa ka dambeeyay mudo saddex maalmood ah oo uu magan-gelyo ku joogay Magaalada Cadaaddo, halkaasoo uu fakad ku yimi todobaadkii hore dhamaadkiisii.




Laga bilaabo Imaanshiyiihsa Muqdisho, wuxuu gacanta ugu jiraa Dawlada Somaliya oo uu ka mid ahaa Dagaal-oogayaashii Xabadda la hortaagnaa, waxaanu ku jiraa liiska Dadka ay qaramada Midoobay iyo Maraykanku u aqoonsanyihiin Argagixisadda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Kala soco wixii war ka soo kordha