Saturday, June 29, 2013

Duur oo Maanta Xilkii Wareejiyay iyo Waran-cadde oo Waajahaya Mahadhooyinka uu dhigay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa Maanta oo Sabtida  ah Wareejiyay Xilka Wasaaraddaasi ka dib sanad iyo Sagaal bilood oo uu la daalaadhacayay Maamulka Amaanka iyo arrimaha daakhiliga oo uu ku noqday layli aan waayo aragnimo badan u lahayn shaqadiisa.




Wuxuu ku wareejin doonaa Cali Maxamed warran-cadde oo xilal kala duwan ka soo qabtay dhamaan Xukuumaddihii Somaliland 22 sanadood ee ay jirtay, ha ugu dambeyo kan uu todobaadkii hore u magacabay Madaxweyne Siilaanyo.




Wasiir Duur, ayaa mudadii uu xilka hayay lagu xasuusan doonaa Gol-dalloolooyin fara badan oo uu dalka u soo hooyay, hadimo ay qaybo ka mid ah Bulshadu ku eedeyso oo dawlada lagu dhaliilo, sida Hawl-galo sifo khaldan loo fuliyay oo Khasaare sababay, Khilaafyo Muxaliyo oo uu siyaasiyan wax uga qaban kari waayay, muran beeleedyo soo noqnoqday intii uu wasaaradda joogay iyo amar ku taaglayn uu kula kacay Saxaafadda iyo Ashkhaas kale oo Mageyno ah.




Inkasta oo dadka qaar u yaqaanaan Masuul aad u hadalo cad-cad, hadana dadka ku xeesha dheer arimaha sirtu, waxay ku dhaliili jireen inuu fashilay arimo badan oo qarin iyo asturaad u baahnaa, halka uu sidoo kale ka dhawaajiyay waxyaabo aan loo baahanayn in dawladu bulshada ogaysiiso oo qarsoon.




Waxa lagu eedeyn jiray inuu Hadal ku dhiirashada ku damqi jiray Tabasho bulsho, halka aanu sidoo kale ku wanaagsanayn nabadeynta iyo u gar qaadista dhinacyada bulshada ee muran ka dhex curto.




Waxa uu wareejinayaa  Khilaafyo badan iyo arimo murugsan oo ay ka mid yihiin xiisadii saylac ka dhacday, sanadkii hore, arinta Gobolka Saraar, Dilalkii Bilaysku ka geystay degmada Axmed Dhagax iyo dibin-daabyooyin kale waxay dadku macneeyaan oo ay ku jiraan sixidda Hawl-galadda ay qaadaan Ciidanka RRU-du.




Wasiir Dr. Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa sidoo kale Xilka Wasaaradda arrimaha Gudaha Wareejiyay xili Calaamatu-su’aal saarantahay Heerka nabad-gelyada Somaliland oo Dawladaha Reer Galbeedku sanadkan horaantiisii Mawaadiniintooda uga dardaar-wariyeen inay u safraan, taasoo loo aanaynayo inay ka dhalatay Kacaa-kufkii dhinaca siyaasadda daakhiliga oo hoos u dhigtay Tayada Hay’ada Wardoonka gudaha iyo kuwa qaranka.




Wasiirka cusub ee xilkaasi la wareegay shaqada uu baneeyay Duur oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Mucaaridka ahaa ee arimaha dusha kala socday, ayaa waajihi doona Xal u helida mushkiladah Duur ku wareejinayo, waxaana laga sugayaa inuu mudo kooban ku soo celiyo Kalsoonidii qaybaha Bulshadu u haysay Xukuumadda, gaar ahaana inuu meesha ka saaro waxyaabaha Khilaafka Gudaha ah salka ku haya.




Gobanimonews




Hargeysa Office