Thursday, June 27, 2013

Hogaamiyihii Hore Ee Hindia Mahatma Gandhi oo kabahiisii Lagu Baayacayo 23 kun Oo Doller:


  (GNA)  Nin Xaraashka ka shaqeeysta oo Ingariis ah ayaa soo bandhigay Saandalka ama Kabihii Mahatma Gandhi oo ahaa Hogaamiye Ruuxi ah oo Hindiya soo maray.




Kabaha Gandhi waxaa la doonayaa in Xaraash ahaan loogu iibiyo 15 Kun oo Giniga Istarliinka ah, una dhiganta 23 Kun oo Dollar.




Warbaahinta Caalamka ayaa arrintan wax ka qoray ayaa sheegay in Saandalaha la iibinaya ay leeyihiin Cag hoose oo dhererkeedu dhanyahay ½ Buusha, taas oo Gandi uu u isticmaali jiray inuu sare ugu qaado Dhirirkiisa oo markaa ahaa 1.6 Mitir.




Kabahan waxay ku jiraan Alaab qiimaheedu gaarayo 250 Kun oo Giniga Istarliinka, kuwaas oo qayb ka mid ah uu Gandhi siiyay Nin Saaxibadiisa ugu dhaw dhaw ku jiray Sanadkii 1924-kii.




MahatamagandiAgabka uu lahaan jiray Gandhi waxay Dad badan oo Hindi ahi ka dhigtaan wax aad u qiimo badan oo ay mararka qaar gaarsiiyaan illaa heer ay ku sifeeyaan kuwo Barakeeysan.




Dhanka kale waxaa iyana Iib Xaraash ah la galiyay Dhibco Dhiigga Gandhi ah oo laga helay Qalab Microscope-ka ay Dhaqaatiirtu Il-ma-aragtada ku eegaan ah.




Dhiigan dhibcooyinka ka kooban waxaa la rumeysanyahay inuu ka daaday Gaandi xilli Qaliin Caafimaad loogu sameeynayay Isbitaal ku dhaw Mumbai.




Lacag gaadheysa 15 Kun oo Giniga Istarliinka ayaa lagusoo bandhigay Iibinta Dhibcahan Dhiiga ah ee Qalabka dushiisa ku yaala.




Gaandi wuxuu London ku noolaaday Sanado badan, waxaana Sanadkii 1948 lagu dilay Dalkiisa India isagoo markaa da,diisu hayd  78.








 




 




 




 




 








Diyaariye:c/qaadir Askar