Friday, June 28, 2013

Xasan Daahir Aweys oo la sheegay inuu is dhiibay


28.06.2013 ( GNA) - Wada xaajood ayaa u socda wakiillo ka socda hogaamiye diimeedka al-Shabaab Xasan Daahir Aweys iyo odoyaasha qabaa'ilka oo ku saabsan inuu isa soo dhiibo iyo in kale.




Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku warramay in Xasan Daahir Aweys uu mar hore isu dhiibay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.




Laakiin odoyaal ka tirsan magaalada Cadaado oo ilaa 500 KM dhinaca waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ee Muqdisho ayaa ku adkeystay in aanu weli is dhiibin, welina uu halkaasi ku joogo oggolaanshaha maamulka degaanka.




Mr Aweys ayaa waxa uu magangalyo ahaan u galay magaalada Cadaado kadib markii uu dagaal dhex maray kooxo ka tirsan al-Shabaab toddobaadkii hore.




Waxaa loo arkaa inuu yahay wadaadka aabaha u ah al-Shabaab, waxaana argagaxiso inuu yahay u arka Qaramada Midoobay iyo Mareykanka




 




Lasoco wararka dambe