Saturday, June 29, 2013

Ximin iyo Xeeb: Xasan Daahir Aweys Kamuu Tanaasulin Fikirkii Al-shabaabnimada, mana sii joogayo Cadaaddo".


Cadaaddo(GNA)-Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys aanu wali ka tanaasulin fikirkiisii hore ee  Shabaabnimada,




Cabdi Maxamed Axmed Madaxweyne ku xigenka Ximan iyo Xeeb, waxa uu sheegay inay taasi mushkiladda ku noqonayso xaaladiisa, siina joogi Karin Magaalada Cadaaddo, hadii uu isku dhejiyo fikirkaasi.




Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inay ka maamul ahaan Wadaadka si wanaagsan u xishmeeyeen oo ay xurmeeyeen,wixii hada ka dambeeyana loo qaadi doono meesha go’aankiisu yaalo ee Muqdisho.




Hadalkan ka soo yeedhay Ximin iyo Xeeb, ayaa ku soo beegmaya xili ay Magaalada Cadadddo ku sugan yihiin Saraakiil Ciidan, Xildhibaano iyo Madaxdhaqameedyo halkaasi u jooga sidii ay sheikhan dawlada ugu dhiibi lahaayeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office