Friday, June 28, 2013

Emanuele Giaccherini: Aniga Ayay Aheyd Inaan Tuuro Rirooradii Uu Qasaariyay Bonucci Xalayto.


Emanuele Giaccherini ayaa shaaca ka qaaday inay aheyd inuu isaga tuuro rigooradii uu qasaariyay Leonardo Bonucci kulankii xalay Italy looga badiyay goolka ku laadyada ee Spain ee semi-finalka Koobka Qaaradaha.




Ciyaaryahanka boosaska badan ka ciyaari kara ee Bianconeri ayay aheyd inuu aqbalo mas’uuliyada rigooradii 7aad ee Azzurri, laakiin waxa uu isaga gudbiyay Bonucci kaasoo dusha sarre mariyay, islamarkaana u ogolaatay in rigoorada guusha uu La Roja u dhaliyo Jesus Nevas.




“Ma aanan u bixin rigoorada, sababtoo ah ma aanan dareemin inaan tuuri karo daacadii.” ayuu yiri Giaccherini sida ay qortay Gazzetta.it




“Waxaan la hadlay Bonucci. Waxaan ku iri, ‘Leonardo adiga bax’, sababtoo ah waxaa iga dhaadhacsaneyd inuu dhalinayo. Waa wax laga xumaado. Nasiibdarro, mar walba rigoorada waa qamaar.




 




 




“Laakiin waxa ay aheyd qaab ciyaareed weyn oo Italy ay soo bandhigtay. Waxaan ciyaarnay ciyaar weyn. Waqtigaan waxaan aheyn kuwa nasiibdarran, laakiin xaalada waan ku adkeynay Spain anagoo ciyaarteena ciyaarnay.”