Tuesday, June 25, 2013

Caarshe: Isku Shaandheynta Marshafyada lagu Qoray waxay Kalsooni Daro dhex dhigaysaa M/weyneha iyo Wasiiradiisa






Maalmihii u danbeeyey waxaa bulshada lagu jaahwareeriyey arrimo been abuur ah oo lagu wiiqayo jiritaanka iyo awoodda hay’adaha dowliga ah, taaasoo muujinaysa in cabsi lagu abuuro masuuliyiinta xukuumadda si ay u yaraato kalsoonida ay u qabaan madaxweynaha jamhuuriyada somailand, Md. Axmed Maxamed Maxamuud {Siillaanyo}.




Tusaale ahaan waxaa maalmihii ugu danbeeyey lagu baahiyey mareega wararka liisas lagu qoray marfashyada suuqa, taasoo lagu magcaabayo masuuliyiin qaar kalena lagu leeyahay waa la eryayaa, macluumaadkaa la baahiyey ayaa ahaa kuwo xaqiiqda ka fog ayna soo qorsheeyeen dad cadaw ku ah xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Siillaanyo.




Hadaba arrimahan ayaa ahaa kuwo ay soo abaabuleen shaqsiyaad hamuun iyo gaajo u qaba in ay ka mid noqdaan xukuumadda, balse garan la’ sida xukuumadda looga mid noqdo, kuwaasoo dan moodey in wax lagu helo dacaayado iyo Abuse lagu sameeyo golaha xukuumadda, balse waxaan leeyahay sidaa maaaha dariiqa masam loofu helaa, waxaa xilka loogu helaa ama bulsho lagu hoggaamin karaa in aad kalsooni ka hesho bulshada iyo cida ku magcaabaysa, maahase kalsoonidu dacaayad iyo warar been ah oo aad baahiso.




Yaa lahaa masuuliyadda dacaayadahan ay baahiyeen dadka ka xun xukuumadda madaxweyne Siillaanyo?




 Shaqsiyaadka doorka wayn kulahaa arrimahan bulshada lagu khal-khalgelinayo awoodda madaxweynaha iyo sharafta xukuumaddana lagu dhaawacayo waxaa door weyn ka qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyayaashii ku hadhay tartankii ururada siyaasada ee golayaasha degaanka, taasoo dalka ka dhacday dhamaadka sanadkii aynu soo dhoofnay, masuuliyaantaasii waxay suuqa gashadeen in iyaga la magcaabayo waxayna qoraalo ay dabada ka riixayeen ku baahiyeen mareegaha wararka qaarkood, Si ay rayul-caamka warar been ah u gashadaan.




Hadaba isku shaan-dhayn lagu sameeyo golaha xukuumadda waa mid u taalla madaxweynaha Somaliland, isaga ayaa awood distooriya u leh in uu isku shaadhayn ku sameeyo xukuumaddiisa, isaga ayaa qiimaynaya golaha xukuumadda, balse waxaa wax lala yaabo in masuuliyiin madaxweyne magcaabay oo ummadda xil qaran u haya daacaayado been ah kalsoonida ay madaxweynaha u hayaan wax loogu dhimo, taasina waxay wiiqaysaa awoodda iyo kalsoonida ay ku wada shaqaynayaa madaxweynaha iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka.




Waxaa haboon in xukuumadda laga daayo dacaayada raqiiska ah, lana fahmo in madaxweynaha Somaliland uu cida uu doono magcaabi karo cida uu doonona shaqada ka Fire-garayn karo, balse ay ceebtay in sheeko laga soo maleegay marfashyada lagu qayilo lagu khal-khalgeliyo hanaanka dowladnimo,sharciga iyo kala danbaynta.




 




C/laahi Axmed Caarshe




xidig550@hotmail.com




 Hargeysa Somaliland