Saturday, June 29, 2013

Wasiir Cukuse oo Tacsi u Diray Xildhibaan SISTO






Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, wacyi-gelinta iyo dhaqanka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu tacsi u Dirayaa Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane (SISTO) oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Aabbihii MARXUUM AADAN HABANE. Oo ku geeriyooday Hargeysa 28/06/2013.




Sidoo kale wasiirku waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUMKU, isagoo wasiirku  ILLAAHAY uga baryay MARXUUM-Ka inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Qoyskii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.




 




 




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN