Tuesday, June 25, 2013

Somaliland: Asxaabta Mucaaridku lama dhacsana Isku shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo,waayo?






Hargeysa(GNA)-Wali Asxaabta siyaasaddu si cad ugamay dareen celin Isku shaandheynta Madaxweyne Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku sameeyay Golihiisa Wasiiradda.




Isku shaandheyntan oo si toos ah u saamaysay qaarka mid ah Asxaabta siyaasadda, khaasatan Xisbiga Waddani oo xubin muhiim ah oo kaga biirtay Xisbigii UDUB, madaxweynuhu u magacaabay Mansab uu mudo dheer ku goodiyay, siyaasiga Cali Warran-cadde oo ah xubinta Xisbigaasi lagala baxay.




Lama dhacsana qaar ka mid ah Xisbiyadu qaabka uu Madaxweynuhu isku shaandheynta u sameeyay, waxaanay ku doodayaan in xilal lagu taxay rag aan waayo aragnimo siyaasadeed iyo aqoontoona lagu xulan, balse qabyaalad loogu dhiibay Mansabka.




Sidoo kale Asxaabtu waxay dhaliilayaan sababta uu xilka uga qaadi waayay, qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda oo gol-dalloolooyin fara badani dul-hoganayeen mudooyinka dambe, gaar ahaan Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka Duulista Hawada  Maxamuud Xaashi Cabdi oo Safka hore kaga jiray Isku shaandheymaha Mala-awaalka ah ee ay Dadku suuqa ku hadal hayeen.




Labadan Wasiir oo mid ka mid ah ay Shacbigu u eedeynaayan inuu Manjaro habaabiyay Ciyaarihii gobolada Somaliland, ayaa dadka caadiga ahi ku doodayaan in Madaxweynuhu ka war-wareegayo inuu xilalka ka qaado, siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaamada Bariga Burco.




Sidaasoo ay tahay Siyaasiyiin xilal sare ka haya Xisbiyada Mucaaridka ah, ayaa Gobanimonews u sheegay inaanay Isku shaandheyntani ahayn mid boqolkiiba tirada ugu badan Bulshada u cuntamaysa, waxaanay intaasi ku darayaan in maalmaha soo socda la filayo hormo kale oo ka mid ah isku shaandheynta iyo dib u habaynta Golaha Xukuumadda, taasoo ay isha ku hayaan waxay ka bedeli doonto meelaha ay hada sida aadka ah u dhaliilaayan.




Gobanimonews




Hargeysa Office