Saturday, June 29, 2013

Dawladda maraykanka oo go´aansatay inay dawladda Bangaladeesh ka saarto dalka ay mudnaanta siiyaan xagga ganacsigga


 29.6.2013 (GNA)- Dawladda maraykanka oo go´aansatay inay dawladda Bangaladeesh ka saarto dalka ay mudnaanta siiyaan xagga ganacsigga. Iyakoo taa u aaneynaya dhulka laga shaqeeyo khatarta ka jirta iyo xaalado la mid ah, sida xuquuqdda ay shaqaaluhu leeyihiin.




Go´aankaasi wuxuu ku soo beegmay markii uu dumay warshad lagu sameyn jiray arqaanka bishii aprl, waxaana ku dhintay ku dhowaad 1100 qof. Warshadan oo ku taala meel aan ka fogayn xarunta wadankaasi ee daaka. Go´aankan oo soo baxay sanad dib u eegid  lagu samaynaayey sida loola dhaqmo  shaqaalaha iyo shuruucdda shaqaalaha abniga goobaha shaqadda wadanka Bangaladeesh.




Madaxweynaha wadanka maraykanka Mr Barack Obama yaa sheegay in aysan Bangaladeesh qaadan go´aamadii looga baahnaa si shaqaalaheedu u helaan xaquuqdda la ictiraafsanyahay ee caalamka.




Go´aankani yaa so baxay kadib markii laba masiibo oo waaweyni ay dhaceen oo ay ku dhintee dad lagu qiyaasay ilaa ku dhowaad 1200 oo qof. Wasaaradda arimaha dibadda ee Bangaladeesh yaa sheegaysa in la qaaday arimo badan sidii wax looga qabanlahaa looguna hormarin lahaa amaanka warshadahaasi, loona ilaalin lahaa xaquuqdda shaqaalaha. 




Warkan ka soo yeedhay dawladda maraykanka waxay dawlada Bangaladeesh ku tilmaameen in ay tahay wax laga naxo talaabadaa uu qaaday maraykanku...




 




 




Kala soco wararka dambe 




www.Gobanimonews.com