Wednesday, June 26, 2013

Barack Obama oo safaradiisa qaarada Afrika maanta ugu horeysiin doono dalka Senegal,


(GNA) Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama ayaa maanta lagu wadaa inuu gaadho dalka Senegal, wuxuuna sidoo kale tagi doonaa dalalka Tanzania iyo Koonfurta Afrika. Safarkan ayaa qaadan doona muddo 8 maalmood ah.




Waa safarkii ugu balaadhanaa ee uu Obama ku yimaado Qaarada Afrika, xili wareegii hore ee uu xafiiska hayey Obama uu wakhti u waayey booqashada Qaarada uu kasoo jeedo Aabihiis. Balse Obama ayaan booqan doonin dalka Kenya oo ah goobta uu ku dhashay aabihiis.




Go’aanka Obama ee ah in aanu booqan Kenya ayey dadka qaarkii la xadhiidhinayaan maadaama Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay weli ku socoto dacwada maxkamada Caalamiga ah ee ICC.




Obama ayaa safarkiisan diirada ku saaraya dhanka iskaashiga Ganacsiga xili dalka China uu awood kusii yeelanayo dalal badan oo Afrika kamid ah.




Obama ayaa safarkiisana wuxuu ku sheegay in xidhiidhyo kala duwan uu lasoo yeelan doono qaarada Afrika.