Wednesday, June 26, 2013

Saaxiibkii ugu Dhawaa Micheal Jackson, Jason Pfeiffer oo shaaca ka qaaday In Micheal aanu dhalin labo kamid ah saddexda Caruur ee ku magacaaban


(GNA) Xili ay kasoo wareegatay geeridii Micheal Jackson mudo afar sanadood ah ayaa haatan waxa sitoos ah usoo shaac baxday hadalo hore udhaliyay muruno fara badan  oo ka tagnaa in Fanaankii hore Micheal Jackson aanu dhalin saddex caruurood ee ku magacaaban labo kamid ah.




Saaxiibka ugu dhawaa Micheal Jackson oo lagu magacaabo Jason Pfeiffer ayaa sheegay iney ahaayeen isaga iyo Micheal labo ruux aan wax kala qarsanin ayaa uga warbixiyay warbaahinta una sheegay in xiligan ay munaasab tahay inuu sirta mudada dheer qaadatay uu usoo bandhigo si caruurta Micheal ay u ahaadaan kuwo qanacsan.




Jason ayaa ku micneeyay sababaha uu haatan sirtaan dibedda ugusoo saaray wuxuuna sheegay in ay kaliftay gabadha Paris Jackson oo iyadu dhawaan iska taqaluusi gaadhay islamarkaana la badbaadiyay si ay u ogaato in qoys reer Jackson ay yihiin dadka ugu wanaagsan caalamka ayna aqbasho ineysan ka dheeranin qoyska Jackson oo ay ugu horeeyso hooyada dhashay Micheal Jackson.




Mr Jason ayaa usheegay warbaahinta in maalin isaga iyo Micheal Jackson iyo hooyada dhashay labada caruurood ee ugu waaweyn Micheal Jackson Miss Debbie Rowe ay wada fadhiyeen beer ku taalla xaafada Micheal , waxayna yaab igu noqotay ayuu yidhi markii uu Micheal ii sheegay in labada caruur ee kala ah Paris iyo Prince aanu isaga dhalin balse uu uyahay Aabe korsaday.




Jason oo hadalkiisa wata ayaa yidhi aniga ahaan waxey iigu noqotay layaab waxaana su’aal ka weediyay qofka dhalay hadaanu isaga dhalin caruurta, si layaableh oo degan ayuu igu yidhi Micheal labada caruurood waxa dhalay aktarka saaxiibkeega ah ee reer Britain ee saaxiibkeyga ah Mark Lester wuxuuna igu deeqay shahwadiisa oo aan ku bacriimiyay Debbie Rowe sidaas ayeyna ku dhashay.




Debbie Rowe goobta ayey fadhiday su’asha ay weeydiisay Micheal ayaa noqotay maxay tahay sababaha aad banaanka isku keeneyso,Micheal ayaana ku yidhi Jason waa saaxiibka aan rumeysanahay waa qof aan kawada sheekeysano nolosheena iyo arimaha qoyskeena aniga ahaan igama qarsana noloshisa.




Xili badan kadib ayaan maalin Micheal Jackson waxaan weediyay qofka uu yahay ilmaha yar ee Blanket, Micheal wuu dhoola cadeeyay markaasu igu yidhi “He is my Blanket” waanku celiyay su’aasha anig oo doonaya  in aan ogaado xaqiiqda dhabta ah mar labaad ayu igu yidhi Jason magaraneysaa sababaha ilmaha yar ee Blanket aan ugu bixiyay “magaca Blanket oo la micna ah  buste” waa midka kaliya ee dhiigeyga ah sidaas darteeda waa midka aan dhaxanta ka dugsan doono.




Jason ayaa sheegay kadib in ay halkaas ku kala tageen isaga iyo saaxiibkiisa Micheal Jackson ay na u kala cadaatay in aanu  dhalin Paris iyo Prince balse uu isagu gabadh kale ka dhalay Blanket oo ah wiilka ugu yar.




Jason oo wrbixin dheer uga waramayay nolosha dhabta ah ee saaxiibkiisa geeriyooday Micheal Jackson ayaa ku soo koobay hadalkiisa in caruurta ay yihiin hada kuwo fahan leh muhiimadana ay tahay iney ogaadaan xaqiiqda jirta inkasto Miss Dobbie hooyada dhashay labada caruurood Prince iyo Paris anay dooneynin in ay ogaadaan  .
balse waan ku qasbanahy inaan    soo ban dhigo  oo aan saaro Micheal macluumaadkiisa








 




 




 




 




 




 








 




 




 




 




 




Sawirkaan waa aktarka Mark Lester








 




 




 




 




 




 




 




 




Paris Jackson








 




 




 




 




 




 




 




 




Prince Jackson








 




 




 




 




 




 




 




 




Blanket Jackson








 




 




 




 




 




 




Diyaarie: c/qaadir askar