Friday, June 28, 2013

Real Madrid Oo Arsenal Iyo Juventsu Kula Biirtray Loolanka Logu Jiro Stevan Jovetic


Kooxda Real Madrid ayaa lagu waramayaa in ay bar tilmaameysanayaan weeraryahanka kooxda Fiorentina ee Stevan Jovetic ka dib dalab ka yimid macalinka cusub ee kooxdaas Carlo Ancelotti.




Laacibkaan 23-sano jirka ah ayaa waxaa baacsanaya kooxo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Juventus iyo Arsneal kuwaas oo doonaya in ay xagaagaan helaan inkastoo Fiorentina diidan yihiin qiimaha dalabyada loola tagay oo ay sheegeen in uu yar yahay.




Tababare Carlo Ancelotti oo weli toos u sheegin magacyada uu doonayo ayaa hadana warar ku dhow sheegayaan in uu ku taliyay in maamulka Real u dhaqaaqaan saxiixa laacibkaasi.




Ancelotti ayaa la xusayaa in Stevan Jovetic uu xiiseynayay xittaa marki uu joogay PSG , waxa ayna Real Madrid ku doneysaa laacibkaas qiimo gaaraya 23-milyan oo euro.